Sucuudiga oo Markabkii labaad ee xoolo ah ku soo celiyay Somaliland dhawr todobaad gudaheed

Berbera(Berberanews)-Dalka Sucuudida, ayaa soo celiyay Markabkii labaad muddo sadex todobaad gudahood ah, kaasoo xoolo geel iyo adhi isugu jira ka qaaday Marsada Berbera

 Ganacsatada   xoolahan lahaa oo todobaadkan horraantiisii ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland inuu tallaabo ka qaado Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir oo ay ku eedeeyeen inuu shuraako la noqday Maxjarka ay xoolahani Shahadaada caafimaadka ka soo qaateen ee Al-jaabiri, ayay arrintani dhabar-jab weyn ku noqotay.

Markabkan o magaciisu yahay IIMAAN oo ka shiraaqday dekada Berbera 26/3/20014 habeenkii arbacadu soo galaysay, ayaa waxa u qaaday 11600 oo adhi ah iyo 1280 Geela, Waxaana la xaqiijiyay in Adhigii Laga rogay o uu iibgalay Laakiin geela dib loo soo celiyay.

Ganacsatada xoolahan raray ayaa waxyaabo  kala duwan Aaminsan in ay  sababeen soo celinta xoolahan,waxaanay qaarkood Eedaynayaan Maamulka Macjarka Aljaabiri o ay leeyihiin  Isaga ayaa ka masuula soo celinta xoolahaa maadaama ay u  xil saarnaayeen Caafimaadinta iyo dawynta xoolaha intaanay ka dhoofin Dekada Berbera,Xubno kale o ganacsatadaa ka mida ayaa  Aaminsan in Wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland iyo Dhakhaatiirta ku sugan Berbera e wasaaradaasii ay gabeen masuuliyadoodii e ogaanshaha caafimaadka xoolaha iyo Kantaroolidoodaba Waxaanay ku eedaynayaan  iyadoon war cad laga soo saarin Markabkii Taiba e xoolaha soo celiyay Arinkiisii Cidii danbiga Lahayd  waaayo ayay yidhaahdeen dhibtii waxay ku dhacday ganacsatadii o laba kharash ku dhacay.

Berberanews.com

info@berberanews.com