Maamulka Mansoor Hotel oo Dhulkii Freezone ka Bilaabay Dhismaha Dekadd Yar oo Halis ku ah Dekadda Weyn Berbera iyo Maamulka Dekadda oo Aan ka hadlin ”

Berbera (Berberanews) Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera ayaa Amakaag ka Qaaday Dekadd laga Bineeyey Dhinaca Xeebta galbeed ee Magaalada Berbera Qiyaas ahaana Nobiyada Dekadda u Jirta 4km taas oo Dhererkeeda lagu Qiyaasay 200 Mitir oo dhinaca Badda ah,Taas oo dhisanayo Hotelka Maansoor
Dhulka Dekaddan Laga Bineeyey oo Ku jira Dhulka Freezone ka loo yaqaano ee loogu Talogalay Danta Guud Islamarkaana ah dhulka kaydka u noqonaya Mustaqbalka fiditaanka dhismaha Dekadda iyo Haamaha Shidaalka Berbera,iyo Madaarka Berbera.
1
Dekaddan oo ka Sameysan dhagax iyo Ciid ayaa Caqab ku ah Dekadda Weyne Ee Magalada Berbera Xiliyada ay Dabaylaha Xagaagu Dhacayaan , Taas oo u dhaw in ay ku Aasanto Ciid Islamarkaana Biyaha Baddu ay Soo Fuulaan Oogada Sare Ee Marsadda Berbera oo ah isha dhaqaalaha ugu Weyn Ee Dalka Jamuriyada Somaliland,
Dhinaca kale dhismaha Dekaddan ayaa Halis gelin kara Dhinaca Amaanka Magaalada Berbera oo ay ku yalaan ilaha Dhaqaalaha Dalka Sida Dekadda,Haamaha shidaalka , Madaarka iyo Weliba Aqalka Weyn ee uu leeyahay Amiirka Kuweit ,Taas oo Laga yabo in Argagaxisadu Si fudud ay uga Degi karto , Xiliyada ay Fulinayaa Hawlgalada Haddii aan Laga Digtonaan.
dekadda-bar-bara
Dhulkan Dekaddan Laga Bineeyey oo Afartii Madaxweyne ee Somaliland Soo Maray Ay Ka soo Sareen Wareegtooyin kala Duwan iyadoo Tariikhdu Markay ahayd 2000 Madaxweyne Cigaal Ka raray Hotelka Maansoor islamarkaana Dhul Bedal u Siiyey Goobta Batalaale ee uu Imika Kadhisan yahay Hotel Maansoor Ee dhinaca Bari ee Magalada Berbera
Mareeyaha Dekadda Berbera Eng. Cali Xoorxoor ayaa Isagu aan ka hadlin , Arrinta dhismaha Dekadda Hotel Maansoor ee lagu Barbar qabtay Dekadda Weyn Berbera ee Mareeyaha ka yahay , Nasiib Daro’se Mar aanu (Shabakada Berberanews) ay isku dayday in aanu Wax ka Weydiino Arrintan ayaaney noo Suura gelin Sababtoo ah Telifoonka Gacanta oo Qaban Waayey .
Si kastaba Ha ahaatee Dhismaha Dekaddan Ayaa Ku soo Beegmaysa Xili uu Dhawaan Madaxweynaha Jamuriyada Soomaliland Md. Axmed Maxamed Max’ud (Silanyo) uu Horaantii Sanadkii Hore Wareegto Uku Mamnuucayo ka soo Saaray Dhulka Danta Guud Berbera ,Dhulkaas oo U dhaxeeya Dekadda iyo Madaarka Berbera Qiyaas ahaana 20KM oo kabilaabmay Raasiga Dekaddda Berbera, Balse Wareegtadani Ma noqon Mid midha Dhasha , ilaa haddana kamay Hadal Masuuliyiintii Ay Sida Khaaska ah Ugu Socotay Wareegtadani.
Wariyaha Magalada Berbera
Ahmed Siciid Maxamed