Magacyada Tirada Dhimashada iyo dhaawaca dilal ka dhacay Degmada Qorilugud

Togdheer-(Berberanews)-Alle ha u naxaristee waxaa ku geeriyoodey magaalada  Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle Marxuum Cumbaar Xaaji Yuusuf, ka dib markii nin la sheegay inuu xannuunsanayaa baas ku furay goob uu marxuumku fadhiyay,kuna dhaawacay laba qof oo kale,

Sida ay shebakadda Berberanews u xaqiijiyeen dad goobjoogayaala oo ku sugan Qorilugud Ninka dilka geystay ayaa markiiba baxsaday, balse waxaa ka daba tegay koox dhallinyaro ah oo ay isku reer yihiin marxuumka, kuna toogtay meel aan sidaa uga sii fogayn Degmada Qorilugud.

Dhaawacyadan  oo magacyadoodu kala yihiin Maxamuud Baaruud iyo Cabdi Faarax, ayaa haatan loo soo qaaday madaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer oo lagu dawayn doono.

Berberanews.com

info@berberanews.com