Talibanka oo dilay 10 qof oo uu ku jiro Murashax

Afghanistan (berberanews) Ururka Talibanka ayaa dilay 10 qof oo uu ku jiro murashax u taagaan doorashooyinka dawladaha hoose ee dalkaasi Afghanistaan, dadkan oo la afduubay sadex maalmood kahor.

taliban

Dadkan ayaa lagu qafaashay gobalka Sar-E-Puland ee Waqooyiga dalkaasi Afghanistaan, waxaana la sheegay in labo kamid ah dadkan la dilay in qoorta laga jaray.

Oday dhaqameedka gobalkaasi ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku jiray dadaal lagu soo siideynayo dadka la afduubay, balse dadaalkaasi ayaa lagu fashilay.

Ururka Talibanka ayaa hore u sheegtay inay ka hortagi doonaan doorashada lagu wado inay dalkaasi Afghanistan ka dhacdo Sabtida soo socota.

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland