Xubnaha hoggaanka xisbiga oo cod ku meel-mariyey qorshaha lagu saleeyey qaybsiga ergo tiradoodu kor u dhaaftay kun xubnood

Hargeysa-(Berberanews)-Hoggaanka xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa ka heshiiyey qaybsiga ergooyinka ka qaybgali doona shirweynaha 3aad ee xisbiga oo khilaaf ka taagnaa darteed uu u qabsoomi waayey shirweynaha oo muddaysnaa 22-kii bishii dhammaatay ee March, iyadoo dhawr jeer oo horena dib-u-dhacyo ku yimaadeen.

go'aamada khilaafka KULMIYE2

Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha oo hore tirada ergooyinka shirweynaha ugu cayintay 941 xubnood, ayaa khilaaf ka dhashay habka qaybsigooda oo ay xal u waayeen kadib dib ugu celiyey hoggaanka xisbiga, kuwaas oo iyaguna shirar muddo dhawr maalmood ah u socday isla qaatay in la kordhiyo tirada ergooyinka oo ay ka dhigeen 1,161 ergay (kun boqol iyo kow iyo lixdan).

Ma jiro war rasmi ah oo xisbigu si cad ugu shaacin arrintan, balse sida ilo-wareedyo ku dhaw masuuliyiinta KULMIYE u sheegeen Jamhuuriya xalay, heshiiskan ayaa hoggaanka xisbigu gaadhay gelinkii dambe ee maalinimadii Isniintii kadib dhawr maalmood oo kulamo ay arrintan ka lahaayeen ay wax natiijo ah ku gaadhiwaayeen, waxaanna markii dambe cod xubnaha hoggaanku u qaadeen fikrado ay kala wateen badankoodu taageereen in la kordhiyo tirada ergooyinka, lagana dhigo 1161, taas oo la horgeyn doono Guddiga Fulinta xisbiga si ay u ansixiyaan.

Warku waxa uu sheegay in hoggaanku laba loo kala qaaday tirada ergooyinka shirweynaha ka qaybgalaysa ee ah 1,161 ergay, kuwaas oo kala ah tiro u gaar ah xisbiga oo dhan 801 ergay oo ah tii Guddiga Fulintu markii u horreysay ansixisay inay fadhiistaan shirweynaha, taas oo lagu qaybin doono hannaan gobollo iyo degmooyin ah oo ku salaysan natiijadii xisbigu ka helay saddexdii doorasho ee u dambeeyey iyo 360 xubnood oo isugu jira ergooyin iyo marti-sharaf ururradii siyaasadda ee KULMIYE ku biiray u meteli doona shirka.

Hesheyeeshee, ilaa hadda ma cadda xilliga uu qabsoomi doono shirweynaha 3aad ee xisbiga KULMIYE oo aan weli waqti cayiman loo qaban iyo in heshiiskan cusub ee hoggaanku ka gaadhay tirada ergooyinku noqon doonto mid lagu wada qanco oo suurtogelisa qabsoomida shirka muddo-dhaafay.