Al Qaacida oo weeraray saldhig militariga Yemen

Yaman(berberanews)Kooxo si aad ah u hubeysan oo ka tirsan Al Qacida ayaa shalay gelinkii danbe weeraray saldhiga militariga oo ku yaal magaalada Cadan ee koonfurta wadanka Yemen.

WeerarYemen

Xarunta la weeraray ayaa ah Taliska ciidamada ee koonfurta Yemen.

Warbaahinta dowlada Yemen ayaa sheegtay in ay ciidamada ku guuleysteen inay ka hortagaan dagaalyahanada isku dayey inay qabsadaan xaruntaasi.

Weerarkan ayaa sidoo kale loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lasoo saaray kaasi oo lagu qarxiyey irida laga galo xeradaasi ciidan, waxaana qaraxaasi kadib goobtaasi rasaas ku furay dagaalyahano ka tirsan kooxda weerarka soo qaaday.

Dadka dhintay ayaa u badan askartii ciidamada ee xeradaasi ku sugnaa waxaa sidoo kale halkaasi ku dhintay dad rayid ah oo uu ku jiro cunug yar

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland