Askari weerar ku qaaday Xerada Militariga ugu weyn ee Maraykanka

USA(berberanews)Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay weerar askari hubeysan ka fuliyey gudaha xarunta Militariga ee ugu weyn dalkaasi Maraykanka ee Fort Hood oo ku taal gobalka Taxes.

fort-hood-

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 4 qof oo uu ku jiro askarigii weerarkan geystay, waxaana ku dhaawacmay falkan dad gaaraya 16 qof iyadoo la sheegay qaar kamid ah dadka dhaawaca ay xaaladoodu culustahay.

Taliska Ciidamada Maraykanka oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Askariga falkan geystay uu horey uga soo shaqeeyey wadanka Ciraaq, isla markaana ay u socdeen baaritaano caafimaad uuna horey uga tabanayey xanuun dhanka dhimirka ah.

fort-hood-030414-3Xarunta Fort Hood ee ah xerada ugu weyn ee militariga Maraykanka ayaa sanadkii 2009kii sidan oo kale weerar uu geystay askari muslim ah oo lagu magacaabo Nidaal Hassan ku dilay dad gaaraya 13,  Nidaal Xasan ayaa bishii Agust 2013 maxkamad ciidanku lee yahay dil ku xukuntey.

Askarta Maraykanka gaar ahaan kuwii kasoo dagaalamay dalalka Ciraaq iyo Afghaanistaan ayaa intooda badan ka cawda xanuuno dhanka dhimirka ah isla markaana sheega inaan taageero fiican iyo xanaano aysan ka helin dowlada Maraykanka.

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland