Maxkamada Sucuudiga oo dil ku xukuntay hogaamiye ka tirsan Al Qacida

Saudi Arabia(Berberanews) Maxkamada Boqortooyada Sucuudiga ayaa dil ku xukuntay Faris Al-Zahrani oo ahaa hogaamiyihii koox ka tirsan Al Qacida oo weeraro ka geystay gudaha dalka Sucuudiga.

farisalzahrani

Faris ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa ninkii abaabulay weeraro Al Qacida ka geysatay gudaha sucuudiga sanadihii 2003 illaa 2006.

Qoraal lagu shaaciyey Warbaahinta dowlada Sucuudiga ayaa lagu sheegay in Faris Al Zahrani uu ku adkeystay fikirkiisa mayilka adag iyo difaacida dilalka lala beegsado ciidamada Sucuudiga, arrintaasi oo khatar ku ah amniga dalka hadii xabsiga laga siidaayo, ayaa lagu yiri qoraalka maxkamada Sucuudiga.

Faris Al Zahrani ayaa lagu qabtay magaalada Abha ee koonfurta Sucuudiga sanadkii 2004 xili la sheegay inuu u baxsanayey wadankaasi Yemen.

Maxkamada ayaa sidoo kale xabsi gaaraya illaa iyo 20 sano ku riday 16 maxbuus oo iyaguna lagu eedeeyey danbiyo la xariira argagaxisnimo.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa horey dadaal u gashay isla markaana dhaqaale badan ku bixsay Dhaqancelinta qaar kamid ah dadka loo heysto falalka argagaxisnimada ah oo loo sameeyey xeryo gaar ah, balse sanadihii lasoo dhaafay ay dowlada Sucuudiga dar dar gelisay xukunada dilka iyo xabsiga ah ee lagu ridayo eedaysanayaasha loo heysto falalka argagaxisada.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland