Diyaarado dagaal oo warqado digniin ah ku daadiyey degmada Baraawe

Somalia(berberanews)Wararka naga soo gaadhaya degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo aan la aqoon cidda iska leh inay warqado digniin ah ku daadiyeen gudaha degmadaasi iyo hareeraheeda warqadahaa oo ku qornaa sedex luuqadood oo Somali ingiriis iyo carabi.

hicop

halkaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, waxaana la sheegay inay tahay fariisinka ugu weyn ee ay imika Soomaaliya ku leeyihiin Al-shabaab.

Sida warku sheegayp 3-diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ayaa  shalay gelinkii hore waxay warqado digiin ay ku qornaayeen ku daadiyeen degmada Baraawe, halkaas oo uu horay uga dhacay hawlgal fashilmay oo ciidanka kumandooska Mareykanka ku qaadeen guri uu degenaa sarkaal ka tirsan Al-shabaab, waxaana la sheegay in warqadaha ay ku qornaayeen in dadka degmada looga digayo inay magaalada sii joogaan, lagana yaabo in magaalada gebi ahaanteedba la duqeeyo ka  hor duulaan ku fool leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaaradaha oo joog hoose ku duulayry ay waraaqo hawada kaga soo daadiyeen magaalada, iyagoo ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool inay u barooran wiilashooda ka midka ah Al-shabaab, sidoo kale warqadaha ayaa lagu sheegay in magaalada ay ka dhici-doonto duqeyn bartilmaameedsan, sidoo kalena waxaa dadka laga dalbaday inay soo sheegaan guryaha ay daganyihiin saraakiisha Al-shabaab si aaney magaalada dhibaato u gaadhin.

Sidoo kale waxaa dadka loo sheegayay inay la shaqeeyaan ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ee gulufka ugu jira la wareegitaanka degmada Baraawe oo ah degmo istiraatiiji ah, waxaana dadka lagu wargeliyey in ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM inay dhawaan qabsan-doonaan degmada Baraawe loona baahanyahay inuu dadka la shaqeeyo.

Dhinaca kale ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa isu diyaarinaya duulaan balaaran oo cir, dhul iyo badba leh ay ku qaadaan degmada Baraawe oo ah meel muhiim ah oo ay ku xooganyihiin Al-shabaab sida laga soo xigtay saraakiil ka kala tirsan dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa horay u qirtay in tiro saraakiil iyo ciidamo la taliyeyaal iyo tababarayaal ah ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaasoo ka taageeraya Ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Kula jira Kooxda Al-Shabaab

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland