Sh. Ismaaciil Dheeg Oo Hay’adda Samafalka Ah Ee SOS Ku Eedeeyey In Ay Dalka Ka Waddo Arrimo Liddi Ku Ah Diinta Islaamka

Hargeysa (berbernews)- Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaciil-Dheeg) oo ka mid ah Culimaa-udiinka waaweyn ee magaca weyn ku leh Dalka Somaliland ayaa khudbadii salaadda Jimce ee shalay uu ka jeediyay Masjidul-Nuur ee xaafadda Xero-Awr oo uu sheekhu khadiib iyo imam ka yahay ayuu ku sheegay in Hay’adda samafalka ah ee SOS ka mid tahay Hay’adaha Hawlaha Kiristaamaynta ah ka wadda Somaliland,

sheekh ismaaciil dheeg

islamarkaana waxa uu uga digay bulshada Somaliland inay dhug u yeeshaan oo ay ubadkooda u foojignaadaan waxa la barayo, sidoo kale waxa uu Sheekh Ismaaciil Dheeg si faah faahsan uga hadlay oo uu khudbadiisa ku soo qaaday hay’ado Samafal oo hoosta ku wata nidaam iyo faafin diin kale oo dalka Somaliland ku soo badanaya ,iyagoo ka faa’iidaysanaya buu yidhi baahida bulshada, islamarkaana garabka saaraya carruurta iyo Dumarka,waxaa uu ballan qaaday inuu si taxane ah uga hadli doono khudbadihiisa danbe ee Jimce walba ee uu ka jeediyo Masjidul-Nuur xogo xaqiiqo ku salaysan oo arrimahan khuseeya.

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo si weyn shalay u kiciyay dareenka dadkii dhagaysanayay khudbadiisa,ayaa waxa uu khudbadiisii shalay si gaar ah ugu soo qaatay Hay’adda SOS oo xarumo barbaarinta carruurta da’doodu ka hoosayso shan jir ku leh Magaalada Hargeysa, isagoo sheegay inay haayadaasi sheegato inay ubadka wax barto balse ay jirto ujeedooyin kale oo uu isagu ogaaday oo umada ka qarsoon oo rugni shaqo u ah haayadaasi,taasoo lidi ku ah dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “anaga xagayaga waxaa jira Haayada la yidhaa SOS,oo isguulaano dhisnaa iyo ubadkaanu wax barnaa daliil ka dhigta laakiin fari ku godan tahay,haloo dhug yeesho ubadka waxay barto haayadaasi,waxay ka mid tahay haayadaha uga faa’iidaysta waxa ay bixinayaan faafinta diin kale,waxay ka mid tahay haayadaha la inoosoo dhex maro ee bulshadeena sida dumarka iyo carruurta ku tashliiliya kuna tababara diinta kiristaanka”.

Sidoo kale waxaa khudbadiisa ku soo qaaday haayado kale oo uu sheegay inuu iyagana usbuuca soo socda iyo khudbadihiisa danbe ku dhex istaagi doono kuwaasi oo weerar ku ah diinta Islaamka,waxaa uu sheegay in haayadahani samafalka ay bixinayaan ee ay siiyaan bulshadeena ay ku bedashaan qaadashada diinta kiristaanka. Sheikh Ismaaciil Dheeg ayaa sheegay in waxa wadanka Kenya ka socda ee aan ka dhegaysanay Idaacadaha ee aynu ku dhegaysanayay codadka Soomaali Wadanka Kenya ku nool oo qaadatay diinta Kiristaanka ay sidoo kale ka jiraan Somaliland balse ay inaga qarsoon yihiin oo aynu nahay bulsho dayacan oo aan waxa gudaheeda ka socda ee faro galinta diintooda Islaamka ka war qabin. Sheekhu waxaa uu ugu baaqay waalidiinta iyo bulshada inta wax fahmaysa inay ka foojignaadaan fidmada iyo fasahaadka ay wataan Hay’adaha samafalku ee ay ku soo galaan galayaan waxa ay ugu yeedhaan gargaarka mucaawinada ah ee ay siiyaan dadka saboolka ah.

Xigasho-Wargeyska Foore