Beelweynta Habar Awal Oo Shir Xisbiga KULMIYE Saami Isku Midda ah Ka Hellay

Hargaysa(berberanews)  Waa markii ugu horeysay masuuliyiinta Beesha habar awal kaga jirta  Golayaasha Qaranka iyo guddida fulinta ee Kulmiye ayaa kulan ay shalay yeesheen si rasmi ah ugu qaybsaday Ergooyinkii ay qaybta u heleen oo dhamaa 240 Ergo.

habar awal askar1

Qaybinta ErgooyinkaBeesha Habar awal oo ah beeshii ugu horaysay ee qaybsata ayaa waxay u kala qaateen Beesha Sacad Muuse oo la siiyey 110 Ergay, Beesha Ciise Muuse oo la siiyey 110 Ergay iyo beelaha Baha Muuse oo la siiyey 20 Ergay.

Kulanka Beesha Habar awal oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogolayn ayaa la sheegay in ay ka qayb galeen wasiiradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Ganacsiga Maxamed C/laahi Cumar, Xildhibaanada Golayaasha kaga jira iyo xubnaha guddida fulinta qaarkood.

Beesha Habar awal oo laga cabsi qabay in ay noqon doonto beesha ugu danbaysa ama lagu raago qaybteeda ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee si Turxaan la’aan ah u qaybsata 240-kii Ergay ee laga siiyey 1162-ka Ergay ee ka soo xaadiri doona Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

Kulanka Beesha Habar awal oo uu Marti-geliyey Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa la sheegay in laga jeediyey qudbadihii ugu Kal iyo laab furnaa inta la ogyahay kulamada lagu qaybsado saami qaybsiyada Siyaasiga ah ee Beelaha soo dhex dhaca.

 berberanews-Desk

Somaliland/Office/Hargeysa