Madasha Wadatashiga Oo Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyey Qoraal

Hargaysa-(Berberaews) -Guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa ka war bixiyey nuxurka warqad ay u gudbiyeen madaxweyaha jamhuurayda somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilayo maalintii shalay,Waxaana uu sheegay in iyadoo maalintii shalay  ay ku beganayd  malintii la aas-aasay ama dhid-bada loo tagay Urukii SNM isla markaana nuxurka waraqaadas ay u gudbiyeen madaxweynahana ay ahayd waxii ka qabsoomay waxyaabahii ururka SNM loo aas-aasay  iyo waxyaalihii uuka daggaalamay ururkii SNM.

Guddoomiyaha madasha wada tashiga mujaahid Xasan guure jaamac oo shalay warbaahinta faahfaahin ka siiyey qoraalka ay madaxweynaha axmed maxamuud siilaanyo ay shalay ugu gudbiyeen qasriga madaxtooyada qoddobada uu xambaarsana iyo arrimaha ay xilligan ugu beegeen warqaddaasi ayaa waxa uu yidhi isagoo faahfaahin ka bixinaya “Maanta waa 6 april waana malintii la aas aasay ururkii SNM ragii aas aasayana waxaa ka mid ah oo ka nool maxamed xaashi ,xasan ciise,cabdisalaan yasiin cabdiraxaman cabdi qaadir sidaad arkayseena waxaa aanu galanay madaxtooyada waxanan madaxweynaha anuu u qoranay warqad uu

nuxur keedu yahay waxii SNM himiladeedu aheyd ee dagaalkii SNM loo galay halkuu iminka uu maraayo dalka waxaa ka jira ee anaga noo muuqada waxanu talo moodanay aaynu warqad ku qoranay tana madaxweyanha ayanu u gudbinay. ilaa warqadaa aanu jawaabteeda aanu helnana wax faah faahin ah oo aanu ka bixinayanaa ma jirto wax aanu talo moodanay ayaanu madaxweyanaha aanu u gudbinay.

Sidoo kale gudoomiyaha madasha iyo wada tashiga muj.xasaan guure oo  wax laga waydiiyey halka uu marayo ama uu ku danbeyey shirkii talo qaran ee ay hore ugu dhawaaqeen madasha wada tashigu ayaa waxa uu sheegay in shirkii talo qaran ee ay ku dhawaqeen ay ka war sugayaan qoladii qaban qabadiisa waday isla markaana uu qabsoomi doono .