Hargeysa,(berberanews) -Ciidan xoogan oo aad u qalaybaysan oo uu hogaaminayo Taliyaha qaybta Galbeedka bilayska Somaliland ee Gobolka Maroodi Jeex ayaa goor dhawayd xoog kuwala wareegay
xafiiskii wargeyska Haatuf ee Magaalada Hargeysa,waxaanay ciidankaasi imika ka dareeriyeen shaqaalihii wargeyska ee xafiisyada ku sugnaa. Sida warkan aanu ku helnay,daqiiqado yar ka hor ayay ciidamo gaadiid gaashaaman wataa mar keliya isku xeereen xaruntii wargeyska madaxa bannaan ee Haatuf,waxaana islamarkiiba isku shubeen gudaha ee xafiisyada wargeyska iyagoo qol qol u baadhay,fatashaadaan ku sameeyay xafiisyada,waxay sidoo kale dibada uga soo saareen shaqaalihii kala duwanaa ee wargeyska ee markaa ku dhex sugnaa xafiisyada.Ciidankan ayaa la sheegay inuu hor kacayo taliyaha qaybta galbeed ee ciidanka bilayska Somaliland Maxamuud