Xukuumadda Somaliland oo albaabada u laabtay Xarunta Wargeyska Haatuf

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidanka Booliska Magaaladda Hargeysa ayaa galabta albaabadda u xidhay xaruntii Wargeyska madaxa banaan ee HAATUF, ka dib markii ay maxkamadda gobolka Maroodi jeex u soo qortay warqad xayiraad ah oo lagu joojinayo wargeyskaas.

.“Annagoo shaqaynayna oo ku sugan xaruntayada Wargeyska HAATUF  ayaa waxa noo yimid ciidan boolis ah oo badan, oo uu Hoggaaminayay Taliyaha qeybta Booliska galbeedka Hargeysa Maxamed Maxamuud, waxaanu na tusay warqad ay u soo qortay maxkamadda Gobolka Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Garsoore Axmed Ismaaciil Dalmar, kaasi oo ay ku qornayd in wargeyska la xayiray ka dib markii wargeysku sida uu sheegay aflagaadeeyay Wasiirro iyo xildhibaanno,”Sidaasna waxa khadka Telefoonka ugu sheegay Tifaftiraha wargeyska HAATUF  Axmed Cali Cigge.

Axmed Cali Cigge waxa uu sheegay in Ciidanka Boolisku la wareegeen xaruntoodii isla markaana hawl-wadeenadii wargeyska ee xarunta ku sugnaa dibada looga soo saaray.

Wargeyska HAATUF ayaa maalmihii la soo dhaafay si taxanne ah u daabacayay warar ay ku dhaliilayeen Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo ay ku eedeeyeen inuu lacago lunsaday isla markaana qaab fool xun u maamulay mashaariicda shiidaal baadhista laga wado gobolo ka mid ah Somalilan