Tolaw Maxaa Lagu Falayaa Cabdi Casiis Maxamed Samaale?

Tan Iyo Intii loo Magacaabay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdi Casiis Maxamed Samale  Waxa Dadku Is Waydiinayaan Tolaw Muxuu Madaxweyne Siilaanyo Ku Falayaa Cabdi Casiis Maxamed Samaale.

 

Qaar  Waxay Yidhaahdaan Waxa Lagu Garaacayaa Ama Lagu Dilayaa Mujaahid Muuse Biixi  , Qaarna Waxay Yidhaahdaan Sacad Muuse Ayaa Lagu Kala Qaybinayaa , Qaarna Waxay Yidhaahdaan Xirsi Ayaa Keenay Wasaarada Kuna Haya .

 

Si Kastaba Ha Ahaato Arintuyee Waxa Jira Ilaa Mudadaas Uu Xilka Hayay Inay Soo Baxayso Qalooc Badan  Iyo dhaliilo Badan Oo Uu Soo Jiiday Keenayna Cabdi Casiis Samaale Dhaliilahaas Iyo Qaloocaas Oo Uu U Soo Jiiday  Mujaahid Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo Xukuumadiisa  Waxa Kale Oo Jira Inuu Ku Kacay Samaale Falal Xun Xun Oo Sumcad Xumo U Soo Jiidaya Xukuumada Kana Luminaya Taageerada Ay U hayaan Bulshawaynta Reer Somali Laand Mujahid Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo.

 

Falalkaas Oo Ku kacay Samaale Waxa Ka Mid Ah Xatooyo ,Musuqmaasuq , MIdabtakoor , Khalkhal Abuurid, Kala Qaybin Gole Xukuumadeed Iyo Xisbiga Kulmiye,  Shaqaale Qoris Fara Badan Oo Aan Sharci Loo Eegayn , Tacriifad Dhimis Aanu U Aabo Yeelayn Kuna Kooban Kaligiis Oo Huwan Shaadh Beelaysan .

Hadaba MUjahid Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa Wuxuu Yeelo Mooyee Wuxuu U Tarayaa Ma Jirto  Waxyaabaha Uu Sameeyayna Aad Iyo Aad Ayay Umadu Ula Yaaban Tahay Iyadoo Ay Jirto Shaqaale Hore Oo Uu Qoray Oo Gaadhay 750 Qof Ayaa Hadana Wuxuu Qoray Shaqaale Gaadhaya 100 Qof  Oo Kale 60 Meel Ah Iyo 40 Meel Ah Oo Sanadkan cusub Ee 2014  Uu Qoray Marka La Eego Siyaasada Miisaaniyada Ee Sanadkan 2014 Ee Uu Madaxweynuhu Saxeexay  Xarafka A  Qodobkiisa 14 Aad Oo Odhanaya Shaqaale Cusub Wasaarada Maaliyadu Ma Qaadan Karto Sanadka 2014 Hadana Waa Kaas Oo Wuu Qorayaa .

Iswaydiintu Waxay Tahay Tolaw Maxa Lagu Falayaa ?

Waa Suaal Furan

Waxa Dadku Leeyihiin Wasiir Samaale  Cod U Keeni Maayo Mujaahid  Madaxweyne Siilanyo  , Sumcad U keeni Maayo  , Aduun U Keeni Maayo , Aduun Uu Ka Shaqaysto Mooyaane  Mid Kale U Keeni Maayo Cadaalad Iyo Masuuliyadi Toona Meelna Umay soo Marin Waa Ninka Yidhi Diintu Major Kayga Maaha ( The Religion Is not MY Major) Maaha Reerihii Codka U Keenaya Xisbiga KUlmiya Sida Jibriil Abokor Iyo Xuseen Abokor  Sidaa Daraadeed Wuxuu Tarayaa Maba Jirto.

 tolow

Maaha Nin Iska Celin Kara Ama U Babac Dhigi Kara Mujaahid Muuse Biixi Maaha Nin Wax Xukumi Kara Oo Cadaalad Samayn Kara Oo Wuxuu Maamuli Kari waayay Wasaaradii Maaliyada  Xukuumada Siilaanyo Yaanay Iska Fogayn Codka Habar Awal Oo Yaanuuu Ka Fogayn Wadaadkan Wadaad Isku Sheega Ah Ee Qudcurka Gudaya , Maaha Nin Nasteex U Ah Madaxweyne Siilaanyo Xukuumadiisa IYo Xisbigiisa Waa Nin U Tafo Xaytay Inuu Aduun Ka samaysto Waanaa Qiiq Isku Qarin Murashax Ayaan Ahay Ka Dhab Maaha Ee Wuxuu doonayaa Cimri Dherer Inuu Ku Sii Nagaado Kursiga Maaliyada Waxa La Ogyahay Halka Uu Mariyay Reerkiisa Cabdale Abokor Waxaanuu Ku daray Xisbiga Wadani Taas Ayaa Kuu Cadaynaysa Halka Uu Ka Taagan Yahay Reerkiisa Iska Daa C idkalena

Madaxweyne Indhaha Fur

Madaxweyne Indhaha Fur

Yaxye Omar

yaxye983@gmail.com