Chelsea oo u gudubtay Semifinalka Champions League-ga

Gool uu xilli dambe u dhaliyay ciyaaryahan Demba Ba ayaa Chelsea u suuragalisay in ay kaga soo baxaan kooxda Paris St-Germain habka goolka martida.

Chelsea ayaa u gudubtay nus dhamaadka koobka Horyaalada Yurub, iyadoo tababare Jose Mourinho uu aad ugu farxay guusha ay gaartay kooxdiisa.

Chelsea ayaa waxa ay u baahneyd in ay ugu yaraan 2-0 uga adkaato kooxda PSG oo lugtii hore ee lagu dheelay Paris 3-1 kusoo tuntay Chelsea, taasina waxaa wadadeedii furay ciyaaryahan Schurrle – oo badalay ciyaaryahan Eden Hazard oo dhaawac uu soo gaaray daqiiqadihii hore ee ciyaarta – oo waxa uu dhaliyay gool qeybtii hore ee ciyaarta.chelsea

Iyadoo 3 daqiiqo oo kaliya ay ciyaarta ka harsan tahayna waxaa goolka guusha u dhaliyay Chelsea ciyaaryahan Demba Ba, oo isna badal ku soo galay, halkaana waxaa ka bilowday dabaaldeg weyn kaddib markii ay kooxda ka dheesha horyaalka Ingiriiska ay xaqiijisay in ay habka goolka martida ay ugu gudubtay nus dhamaadka Horyaalada Yurub.

Goolhayaha kooxda Chelsea Petr Cech, oo si weyn loogu dhaleeceeyay guuldarradii Chelsea ee lugtii hore, ayaa markan dib u soo ceshtay qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay waxa uuna dhowr jeer ka hor istaagay kooxda PSG in ay gool ka dhaliyaan.

Mourinho ayaa sameeyay dabaaldeg la mid ah dabaaldegii caan baxay ee uu 2004-tii ku sameeyay garoonka Old Trafford markaa oo kooxdii uu hogaaminayay ee Porto ay ka badisay kooxda Manchester United taasoo u sahashay in uu ku guulaysto Koobka Horyaalada Yurub. Mourinho ayaa ku amray ciyaaryahanadiisa in ay soo koobaan dabaaldega, wuxuuna siiyay amaradii ugu dambeeyay si daqiiqadaha dhiman ay u xaqiijiyaan in ciyaarta ay sidaa ku dhamaato, waana sida ay yeeleen.

Waa markii saddexaad oo Mourinho uu gaarsiiyo kooxda Chelsea nus dhamaadka koobka Horyaalada Yurub, markana waxa uu rajaynayaa in uu nasiibka u hiiliyo kaddib markii labadii jeer ee hore ay reebtay kooxda Liverpool.