“Waan Ka Xumahay Xadhiga Wargeyska Haatuf…Yuusuf Cabdi Gaboobe Waa Nin Igu Qaaliya In Badan Ayaan Mihnadda Saxaafada ku wada jirnay ….”Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargeysa(berberanews) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) ayaa dareen cadho leh ka muujiyay talaabada ay xukuumada uu ka tirsan yahay  ee madaxweyne Siilaanyo albaabada ugu laabtay xaruntii wargeyska madaxabanaan ee Haatuf

download (11)

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) waxa uu sidaasi ku sheegay  hadal uu ka jeediyey Munaasibad ay Dallada Ururuda aan dawliga ahayn ee SONSAF u qabatay Warbaahinta.

“Waan ka xumahay xadhiga wargayska haatuf,Yuusuf Cabdi Gaboobe waa Saaxiibkay cid iskaga kaaya dhawi ma jirto ,muddo badan ayaanu mihnada Saxaafada ku soo wada jirnay,waana nin igu qaaliya”

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqotay xukuumadii u horaysay ee  xabsiyada ku gurta saxafiyiintii ugu tirada badnayd, waxaanay sidoo kale noqonaysaa xukuumadii u horaysay ee xayiraad saartay wargeysyo baahiya qormooyin musuq-maasuq oo ka dhan ah masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

 

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland