Hindiya oo ay ka bilaabantay Doorasho ay codayn doonaan 814 milyan oo qof

BBC-(Berberanews)-Maanta waxaa waqooyiga dalka Hindiya ka bilaabanayo qeybta ugu muhiimsan ee doorashooyiinka Barlamaanka.

Doorashada qeybeheeda ugu muhiimsan waxay ka dhacaayaan magaalooyiinka ugu muhiimsan sida caasimadda Delhi.

Lix wareed ayey doorashada ka kooban tahay, maanta waxaa bilaabanayo wareega koobaad.

india]

814 milyan oo qof ayaa codkooda ka dhiibanayo doorashada oo soconeyso 5 Isbuuc, sababo la xidhiidha amniga iyo dhaqaalaha.

Doorashada dalka india oo ah mid aad u ballaadhan ayaa waxay gelaysaa marxalado muhiim ah, iyadoo ku dhowaad shan meelood meel loo codeeyey barlamaanka dalkaas.

Meelaha codka laga dhiibtay waxa ka mid ah deegaanada ay isha ku hayaan xisbiga talada haya iyo kan ka soo horjeeda ee BJP.

Codbixiyayaasha degaano badan oo ay rabshado ka dhaceen ayaa codkooda dhiiban doona.

Degaanadaasna waxa ka mid ah kuwa ku yaala bariga dalkaas oo falaago la yidhaahdo Moist ay ku hanjabtayin ay carqaladeyn doonto codbixinta.

Kumanaan kun oo ciidan oo dheeri ah ayaa ammaanka sugaya. meelaha ugu muhiimsan ee lagu tartamaya waxa ka mid ah gobolka Kerela oo ku taala koonfurta iyo sidoo kale caasimada New Delhi oo 7 kursi lagu tartamayo.