Berbera: Xiisadda ka taagan Sarkaal Berbera ku dilay Haweenay, nin kalena ku dhaawacay

Berbera-(Berberanews)-Tabaarig Maxamed Ducaale oo ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland, ayaa ku dilay magaalada Berbera Gabadh jaad iibinaysay,kuna dhaawacay wiil dhallinyaro ah oo uu dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.

Dhacdadan, ayaa ka dambaysay ka dib markii laba wiil oo uu dhalay Xildhibaan Qabile, ay weerar ku qaadeen Tabaarig Maxamed, kaasoo isagu 21kii October 2013 magaalada Hargeysa ku rasaaseeyay Xildhibaan M Faarax Qabile, balse Ilaahay ka duway.

Sacad Maxamed Faarax oo uu dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, iyo dhawr qof oo weheliayay ayaa weerar gacan ka hadal ah ku qaaday Tabaarig Maxamed Ducaale oo hore u sigay aabbahood, haseyeeshee wuxuu ku riday rasaas sababtay inay ku geeriyooto haweenaydaasi iyo dhaawaca Sacad.

Ninkan ka tirsan Ciidammada, ayaa isagu baxsaday markii uu falkaasi dhacay, iyadoo la sheegay inuu watay gaadhi uu leeyahay Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Abokor oo hore loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa isku daygkii dil ee hore uu askarigani hore ula beegsaday Xildhibaan Qabile.

Askarigan ayaa la sheegay inuu cararay markii weerarka lagu soo qaaday oouu tegay Saldhigga Booliska oo ay kazoo raaceen askar boolis ah, balse markii dadweynihii iyo askartii iska hor yimaadeen uu riday rasaasta Geerida iyo dhaawaca sababtay.

Masuulliyiinta Gobolka Saaxil iyo Wasiir-ku-xigeenka Aminga oo wakhtigan knu sugan Berbera, midkoodna kama hadal dhacdadan oo xiisad ka abuurtay Berbera.

Berberanews.com

info@berberanews.com