Ikraan Jaamac oo la sii daayay iyo Abwaan Xasan Dhuxul oo maalintii 3aad Xaqdarro ku xidhan

Hargeysa(Berberanews)-Ikraam Jaamac oo ah fannaanad weyn oo Geyiga Somalida laga wada yaqaano iyo Awaanka Da’da yare e Xasan Saleban Dhuxul Laab-saalax , ayaa bilaysku xidheen saddex maalmood  ka hor iyagoo ka soo degay Madaarka Hargeysa.ikraan

Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa sii deysay Ikraan Jaamac,sida Gobanimonews loo xaqiiyay, laakiinse ma cadda in dambi lagu waayay iyo in kale.

Sidoo kale Abwaan Xasan Dhuxul ayaa la sheegay in dib loogu celiyay Saldhiga uu ku xidhanyahay ee Madaarka, iyadoo dhegeysiga Dacwadiisa lagu xidhay inay yimaadeen Fanaaniin kale oo la socday oo muqdisho ay u wada safreen,kuwaasoo iyagu ka soo noqotay Nairobi.

Xasan Dhuxul iyo shan ka midda Kooxda Xidigaha Geeska ayaa laba todobaad ka hor u sadcaalay Dalka Kenya, balse ku beegmay xiisado iyo rabshadihii Kena, kuwaasoo ku hakaday Muqdisho.


si ay halkaasi uga soo qaataan Baasaaboorka Somalia oo ay ugu dhoofi lahaayeen dalka Australia oo casuumad looga soo diray.

Safarka Fanaaniintan ayaa dawladdu siyaasadaysa, maadaama aanay waxba ku jabnayn in Muqdisho iyo Hargeysi mataanno noqdaan, sida uu maanta sheegay Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo daboolka ka qaaday in madaxda Somalia siday doonaan u mari karaan Madaarada,kuna hakan karaan magaallooyinka.

 

Taageerayaasha Fanka iyo xubno ka mida qurbo-joogta Somaliland ayaa dhaleeceeyay xadhiga labada fanaan, waxaanay ku tilmaameen mid xad gudub ku ah xoriyada dhaqdhaqaaqa Bulshada.