Somaliland oo Madaaradeeda u fasaxday Masuulliyiinta Somalia ee ay saska ka qabtay

Hargeysa(Berberanews):-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada hoos-taga federaalku ay si caadi ah u safarro ugu soo mari karaan Madaarrada magaalooyinka Somaliland, isla markaana ay garoonnada ku soo degi karaan iyaga oo aan Madaarrada ka gudbi karin, hase-yeeshee, aanay oggolaan doonin Masuuliyiinta Somaliland u dhashay ee xilalka ka haya Soomaaliya inay ku soo degaan gegooyinka diyaaradaha dalka, hadday ku soo degaanna tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

WASIIRKA DUULISTA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI

Somaliland_Somalia_Flag_Calanka_Keydmedia-620x330

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta isaga oo furay Mashaariic laga hirgeliyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ay Warbaahintu wax ka weydiisay Xukuumad ahaan waxa uga meel-yaalla Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada hoostaga haddii ay Safarro ku soo maraan Madaarrada magaalooyinka Somaliland, ayaa sheegay inay oggol yihiin, isla markaana ay soo mari karaan Masuuliyiinta Somaliland iyo Puntland-ba.

“Markaan ka jawaabo su’aasha ku saabsan Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya inay  transit (safar) ku mari karaan Garoommada Somaliland, waxa weeye Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ee aan aniguna Maysinkan (Madaarka) kaaliyaha ama Odayga uga ahay, Siyaasadda aan ku maamulaynaa waxa weeye in garoonkan Hargeysa  aannu ka dhigno garoon caalami ah, oo geeska Afrika oo dhan waraabiya oo hab u noqda Mandaqadan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulista hawada Somaliland.

Wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay inay doonayaan in garoonnada Diyaaradaha Somaliland, gaar ahaan ka Hargeysa ay doonayaan inuu noqdo garoon caalami ah oo ay soo fadhiisan karaan diyaarado waawayn oo calamada dalalka adduunka wata oo caymisyada adduunka ku jira, waxaanu yidhi; “Waxaannu doonaynaa in aannu soo jiidanno diyaarado waaweyn oo caalami ah, oo calan waddan sita, oo caymisyada aduunka ku jira, waxaannu doonaynaa in diyaaradihii dadka Muwaaddiniinta ahi ay leeyihiin ee dadkan la soo kifaaxay in aanay baabin ee aanu dhawro.”

“Siyaasadda noocaas ahi innaga socon mayso haddii aynu nidhaahno yaan layna soo marin oo dadka aynu Transit-ka ka horjoogsanno,  caalamina aynu noqonno, dunidu shuruuc iyo xeerar garoommada lagu maamulo ayey leedahay, kuwaas oo laga hubiyo Hay’adda ICAO, ayaa dejisa, wixii Transit (safar) ahina Madaarka way marayaan haddii ay Jabuuti, Kiiniya ama Itoobiya ka socdaan, Madaxda Soomaaliya kuwaas ayuun bay la mid yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Masuuliyiinta Soomaaliya ee Muqdisho ka imanaya ama kuwa Punland way soo mari karaan Madaarrada Somaliland iyagoo transit ah, marka laga reebo Masuuliyiinta Somaliland u dhashay ee Maamulladaas ku jira, kuwaasi waxay khiyaameeyeen ummaddooda iyo dalkoooda oo kuwaas ma oggolin. Haddii ay Madaarrada soo fadhiistaanna diyaaradda ugu geli mayno, laakiin haddii ay soo cago-dhigtaan oo Terminallada (qolalka socdaalku ku nastaan) ay yimaaddaan, xaq ayaannu u leenahay inaannu Xukuumad ahaan qabanno.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay inay Madaxda Soomaaliya ee Transit ka ah  ka reebban tahay inay magaalooyinka u gudbaan iyo inay immikaba soo maraan Madaarrada diyaaradaha ee Somaliland, waxa uu yidhi; “Madaxda Soomaaliya  waxa ka reebban inay gudaha Somaliland galaan, Transit (socdaal) way ku joogi karaan Madaarrada, meelo aannu ugu talo-galnay ayaa la geynayaa oo waa la dhawrayaa iyaga iyo sharaftoodaba, wax ceeb ahina kuma jirto taas, immikana way na soo maraan Masuuliyiin Puntland ah.”

Waa markii ugu horreysay ee uu Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi sidan oo kale u caddeeyo inay soo marayaan garoonnada diyaaradaha magaalooyinka Somaliland Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyadu iyo weliba qaabka ay u soo mari karaan Madaarrada, marka laga reebo Siyaasiyiinta uu sheegay inay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland ee xilalka ka haya dawladda Soomaaliya oo uu iyaga sheegay inay qabanayaan haddii ay diyaaradda ka soo degaan, balse keliya ay kaga badbaadi karaan iyaga oo aan diyaaradda ka soo degin.