Dawlada Djibouti oo U direysa 450 Askari oo ka Tirsan Ciidamadeeda Gendarmari-ga dalka Afrikada Dhaxee

DJIBOUTI: (berberanews) Qaramada Midowbey ayaa ansiixiisey in loo diro 12,000 askari dalka Afrikada Dhaxee ee dagaalka diineeduu ka socdo, waxaa loo diyaariyey Ciidamo iskuugu jira dalalka Afriikaanka ah ee ku hadla afka faransiiska, dalka Djibouti ayaa ka mid ah dalalka u diraaya ciidama Afrika dhaxee, waxaana lagu soo waramayaa in dowlada Djibouti diyaarineyso 450 ciidamada loo yaqaano “Gendarmerie”.

GendarmariSida ay sheegayaan warar dalka Djibouti ka soo baxey in Ciidanka Djibouti ku koobnaa doonaan magaalada Bangui ee caasimada dalka Afrika Dhaxee, Dhinac kale waxaa jirta in 1000 Askari oo ciidanka Djibouti tagi doonaan bishan April 30-keeda magaalada Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan.

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland

Diyaariye:-C/qaadir Askar