Hubaal didiye, doox Haatuf iyo Door-labkii Gobole‏

Gabaygan waxa la yidhaahdaa Dib-qallooc. Waxa uu dabasocdaa Deelleeyda gu’yaalkan curatay ee kala ah Soodaata: heesta qaran ee Abwaan Jaamac Riyo, Garbadiir: Silsilad-suugaaneedka Abwaan Axmed Aw Geeddi furay iyo Gabaygii Digniin ee digashada u ahayd haweenka uu Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan (Abwaan-dile) xabsiga u taxaabay, u duurxulay una hanjabay…
 
Waa diiwaan koobaya dulmiyo badan oo ay ku kacday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay talada haysay. Waa hiil saxaafadeed gaar ahaanna Wargeyska HAATUF oo nabar gardarro ku dhacay…  Abwaan CUKUSE ayaa fasiri doona insha Allah..
 

Wuxuu yidhi:
Dahabooy Nadraay baadi-doon, waan ku deydeyaye
Xasan Ganay duruustuu na baray, yaan mid soo dariye
Lab haween u dooddiya misana, laba-dibleynaaya
Ragannimadu deyrkay lahayd, waa ka dibad-yaale
In dugaagga lagu biiriyaa, dhaanta derejayne
Xadhigaagga waan dibin-jaboo, diiday gama’iiye
Nin haween ku daabulay xabsigu, dacayda sii taagye
Cudur-daar masuul daaddafshaa, maag ku soo daraye
SOOLJAAY dabuubtaydan tebi, daw-bax loo simane
Daljir Xaashi, Diric Geeljirow, Darartan Faalleeya
Madal toosin daaddihinaysaay, dunida gaadhsiiya
Da’yar sharaf leh, dumar dhawrsanow, deexdan falanqeeya
Dawi Cali-gurow, dooddan qaran, daaji baro khayr leh
Iidow haddaan duro nin goba, ha igu deynta beenta
 
Dul-ka-hoor gu’gii shuuxay bay, heego daba-taalle
Diillintii xanaaq baa ka dhacay, degel Guwaantaame
Dafka siidhi-wade yoomiyaan, laad ku deyayaaye
Darbaddayda gool-wade ku dhegi, dooddu may garane
 
Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane
Dermadii markuu seexiyee, daawi xero-keenay
Doobbigoo sinnaan lagu cushuu, raadshay dulucdiiye
Dudduucii laf-dhabartaa “baf” tidhi, doogna lagu boobye
Diyaarado judhii loo dalbaday, Dubay la aadsiiye
Duqayntii, dubaaqiisu diid, debecna raadceeye
Cabdi-muumin duubiga ciddii, damaqday waa xay’e
Ma-naxii ku doorsaday hunguri, waynu dabaynnaaye
Daba-dhilif qofkii lagu suntaan, dooddu garanayne
 
Dulmi-soore, deelqaafku falay, gelinnay diiwaane
Barde duurka inala joogay amin, Doollo iyo Qaaxo
Dugayeeyda, milaygay darnayd, muu dalxiis tegine
Dila iyo Wajaalay heshiis, qalin ku-duugeene
Danankiyo rasaastay Berbera, kala dullaameene
Togdheer maalintii laysku duray, waydun demiseene
Cabdiyow dedaalkaaga libin, duunku wuu qoraye
Dildillaac, dannuu kaa xigsaday, hanad la diirtaaye
Docdocayn, dul-dhaaf iyo dab kulul, deebin lagu qoolye
Daraygiyo Ilaah baan ku dhigin, dooyo quudhsiya’e
Seylici damiirkii hagaan, dooddu garanayne
Dixi iyo dareen igu masaal, dalagga xoolaaye
RRU durduro-dhiig waddaa, ha i dawaarsheene
Sidan ahay dir iyo daabac qori, ha igu duudsiyo’e
Iyagoo degaankiyo ka siman, diinta iyo xeerka
Iyagoo dan-guud wada-jiroo, daawo wada qaatay
Burco hanadka daamaha ka dhigay, dooddu may garane
Guuleed qabtii laguu dallacay, dooddu may garane.
WQ Siciid Maxamuud Gahayr