Madaxweyne Siilaanyo oo Socod ku Tagay Hudheel Hargeysa ku Yaal

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa socod bijo-baxsi ah ku tagay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa caawa fiidkii.

Madaxweyne Siilaanyo oo aan wadan ilaalo tikniko iyo dirays ciidan ku gaashaaman, balse xubno dharka shicibka ku labbisan dusha ka ilaalinayeen, ayaa si keddis ah albaabka uga galay hudheelka Imperial, isagoo dadweynihii kala duwanaa ee hudhaalka ku sugnaa si diiran u salaamay, ulana sheekaystay.

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa khadka telefoonka ugu sheegay Jamhuuriya caawa, in safarka madaxweynuhu madaxtooyada kaga baxay isagoo aan wax ilaalo ah wadan ay muujinayso nabadgelyada iyo xasiloonida dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xusay in ujeeddada madaxweynuhu ahayd sidii uu dadkiisa ugu muujin lahaa deganaanshaha Ilaahay ku manaystay Somaliland.Madaxwaynaha-JSL-21

“Socodka madaxweynuhu isagoo aan wax ilaalo ah wadan uu hudheellada Hargeysa ku tago waxay astaan u tahay heerka xasiloonida iyo ammaan ee Somaliland ka jirta, taasoo muujinaysa in aynu nahay dal nabad ah oo dimuqraadi ah oo madaxweynahoodu isagoo aan ilaalo wadan ama ilaalo la socon uu waqtiga uu doono bixi karo, iyadoo arrintaasina tahay sida dadka Somaliland u yihiin muwaadiniin jecel dalkooda, xasiloonidooda iyo horumarkooda. Waxaanna muuqaalka aynu maanta leenahay Ilaahay ka sakow inoo suurtogelisay bisaylka dadweynaheeda iyo kartida madaxdeenna uu ugu horreeyo madaxweynuhu,” ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.

Waxa kale oo Afhayeenka madaxtooyadu sheegay in madaxweynuhu dadweyne badan kula kulmay hudheelka Imperial, waxaannu yidhi; “Wax ilaalo ah madaxweynuhu muu wadan, si caadi ah ayuu hudheelka Imperial u tagay, dadweyne ayuu la kulmay oo la sheekaystay, markii dambena si qurux badan ayuu xarunta madaxtooyada ugu soo noqday, arrintaasina waxay ina tusaysaa in aynu nahay dal madaxdiisa iyo dadweynihiisu meel kasta ku sheekaysan karaan, waxa kale oo ay caalamka tusaysaa in dalka Somaliland yahay wadan ka nabadgelyo iyo xasilooni badan wadamo badan oo adduunka oo aanay madaxdoodu ku shaahayn karin goobaha iyo hudheelada dadweynuhu ku kulmaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay wehelinayeen marwadiisa Aamino-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo xubno tiro yar oo dawladda xilal ka haya, waxa markii uu ka baxay hudheelka Imperial uu socod lug ah ku maray waddada weyn ee Gobolka ilaa xarunta madaxtooyada, isagoo diiday inuu raaco laba ka mid ah gaadiidka gaarka ah ee madaxweynaha oo hudheelka Imperial ugu tagay.