Waddamada G7 La baxay oo Cunaqabatayn Dheeraada saaraya Ruushka

Al-jazeera-(Berberanews)-Waddamada G7, ee hore loo odhan jiray G8, balse ka saaray dalka Ruushka, ayaa sheegay inay cunaqabatayn dheeraada saari doonaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Putin.

Waddamadan oo kala ah, United States, Canada, France, Germany, Italy, Japan iyo Britain oo khamiistii kulan ku yeeshay Washingtone, ayaa ka dooday xaaladda Ukraine oo kala fogaysay waddamadan iyo Ruushka, sidii cunaqabatayn dheeraada loogu soo rogi lahaa Ruushka. Taasoo ka dambaysay ku-biirista Gobolka Crimea ee Ukraine ka tirsanaan jiray.

Dawladda Ruushka ayaa iyaduna dhankiisaa ku hanjabay cunaqabatayn Gaaska ah oo uu saari doono waddamo badanoo Yurub ah.

Berberanews.com

info@berberanews.com