Ciidamada Asluubta Ee Gobolka Togdheer Oo Toogtay Maxbuus isku dayay inuu baxsado

Burco (berberanews) :- Ciidamada Asluubta ayaa maanta nin maxbuus ah ku toogtay xarunta Maxkamadda Gobolka Togdheer, ka dib markii uu isku dayey inuu ka baxsado xukun sagaal sano ah oo lagu riday.

images (11)

Ninkan ayaa la sheegay inuu dhintay, ka dib markii ciidanka Asluubta oo la wareegayey markii xukunku ku dhacay ay toogteen firxadkiisa ka dib.

 Boolis

Ninka toogashada ciidamada asluubtu ku dileen, ayaa la sheegay in markii hore loo qabtay lacago foojari ah oo la sheegay inuu ku farsameeyay gudaha Magaalada Burco, hasa-yeeshee markii maanta la xukumay uu baxsaday, laakiin ay ciidamadu toogteen, ka dibna sidaa ku geeriyooday.

Ciidamada ammaanka oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiinno ayayna noo suurto-galin

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland