Talibanka Pakistaan oo Qabsaday dad gaadhaya 100 qof

Pakistaan (berberanews) Kooxaha Talibanka ayaa qafaashay dad boqol ku dhaw oo u badan qabaa’ilka ku nool waqooyiga dalkaasi Pakistaan.

pakistan-south-waziristan-taliban0

Afduubkan ayaa ka dhacay deegaanka dooxada Tirah oo ku taal waqooyi galbeed dalkaasi Pakistaan. Deegaankaasi saaran xadka Afghanistaan ayaa kamid ah goobaha ay maraan mukhaadaraadka iyo daroogada, waxaana la sheegay in ragga la afduubay qaarkood ay yihiin ganacsatada daroogada.

Afduubkan ayaa kusoo beegamaya xili ay dagaalo dhexmareen kooxo kawada tirsan Talibanka oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayey waqooyiga Pakistaan.

Talibanka ayaa labo garab u kala jabay, wuxuuna khilaafkooda salka ku haya in lasii wado xabad joojinta iyo wadahadalka nabada ee lala galayo dowlada Pakistaan.

 

berbernews-desk

somaliland/hargeysa