Ukraine oo bilowday hawlgalo ka dhan ah Tageerayaasha Ruushka

Ukraine(berberanews)Dowlada Ukraine ayaa maanta oo Axad ah sheegtay inay hawlgalo la dagaalan argagaxiso ka bilowday magaalada Slovyansk ee bariga wadanka Ukraine.

slavyansk-patriot-opolchenie-

Magaalada Slovyansk ayaa kamid ah magaalooyinka ay xarumaha dowlada la wareegeen kooxo hubeysan oo taageersan dowlada Ruushka, isla markaana doonaya in dalkaasi Ukraine laga dhigo maamul Federaal ah.

Kooxo hubeysan ayaa shalay la wareegay xarunta Booliiska ee magaalada Slovyansk, iyadoo kooxahaasi horey u heysteen xarumaha maamulka ee magaaladaasi ku yaal.

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland