Xisbiyadda Mucaaradka Oo Si Adag U Canbaareeyey Falkii Lagula Kacay Ardayda Jaamacadda Hargeysa Ee Xabsiga Lagu Guray

Hargeysa(berberanews)Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ayaa si adag u canbaareeyey falkii lagula kacay ardayda jaamacada Hargeysa ee ka mudaharaadayey lacagtii ay ku sameeyeen maamulka jaamacadaasi.

arrdeyda

Gudoomiyaha gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga Waddani Shiine Muxumed Idiris iyo xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid oo shabakada Hadhwanaagnews u waramay ayaa waxay sheegeen inay si adag u canbaaraynayaan falkaas  lagula kacay ardayda jaamcada.

Ugu horayn gudoomiyaha gobolka maroodi jeex ee xisbiga Waddani Shiine Muxumed Idiris ayaa waxa uu sheegay inay ka xun yihiin falka lagula kacay ardayda jaamacada Hargeysa ee mudaharaadka salmiga ah ka dhigaysay ka dib markii lagu kordhiyey lacagtii ay ku dhiganayeen jaamacada, waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Maanta waxa Hargeysa ka dhacay arin fool xun taas oo ardaydii jaamacada

Hargeysa markay cabireen  fikirkoodii sheegeena  inaanay awoodi Karin lacagta lagu kordhiyey  in la xidh xidhay, iyada oo xukuumadani inta badan ku faanto inay wax ka qabanayso waxbarashada ayaa wakhti hore waxa dhacay mudaharaad ka dhashay lacagtii lagu kordhiyey ardayda jaamacada Hargeysa, taasi may fadhiisan wax ay socotaba markii dhawryo toban cisho ay ardaydii meeraysanayeen oo ay lahaayeen ha nalaga dhimo lacagta, looma eegine waxa la eegay qoysaska maal qabeenka ah iyo jeebabka wasiirada  sidaas darteedna waxay mar kaliya ku kordhiyeen dhawryo afartan doolar simistarkii, ardaydii way xejin kari waayeen markii ay is yidhaahdeen fikirkina cabirana waxa loo adeegsaday rasaasta nool, waana la kala eryey qaarkoodna waa la xidhay, waxaanu leenahay haddii ay xukuumadu arinta ardaydan si deg deg ah wax uga qaban waydo waxay arki doontaa ardayda kale ee dugsiyada hoose dhexe,sare iyo shacabka oo soo wada baxay hangoolna layskula iman doono.” Ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka maroodi Jeex ee xisbiga Waddani Shiine Muxumed Idiris.

Sidoo kale xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay falka lagula kacay ardayda jaamacada Hargeysa ayaa waxa uu wasiirka waxbarashada iyo hogaanka jaamacada Hargeysa ku eedeeyey inay kaligood go,aan ku gaadheen in lacagta lagu kordhiyo ardayda jaamacada taas oo aanay ku samayn qiimayn dhab ah.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay xukuumadu si deg deg ah wax uga qabato cabashada ardaydan waxaanu yidhi “Waxaanu maanta halka ka canbaaraynaynaa fal aan noociisa hore loo arag oo lagula kacay ardayda jaamacada Hargeysa, iyada oo maalmihii u danbeeyey la jiho habaabinayey oo gudoomiyaha jaamacada iyo wasiirka waxbarashada dhexdooda ku meeraysanayey iyada oo lagu lahaa lacagbaa laydinku kordhiyey iyada oo aan qiimayn dhab ah lagu samayn xaaladaha kala duwan ee ardayda iyo xadiga lacagta lagu kordhin karo iyo wixii ay qaadi karayaan,  iyada oo ardayda jaamacada Hargeysa u badan yihiin arday danyar ah, waxaana dhacday waxaana dhacday in si badheedh ah lagu kordhiyey lacagtii ay jaamacada ku dhiganayeen  oo aanay awoodi Karin, iyada oo lagu kordhiyey labada sanadood ee sanadka koowaad(Fresh) iyo sanadka labaad (Sophomore) kuwa kale laguma kordhin, waxaanay noqonayaan qaybta ugu badan ee jaamacada, waxaanay ahayd qorshe cad oo ay wasiirka waxbarashada iyo gudoomiyaha jaamacadu ay ka tashadeen  iyaga oo aan eegin dhaqaalaha dadka jaamacada dhigta, taas oo ka hor imanaysa nidaamka iyo sharciyada dalka u taala, ardayduna way ka mudaharaadeen waxaana loo adeegsaday xabad nool badhkoodna waa la xidh xidhay waxaana la dagaalamay ciidanka amniga ee loogu tala galay inay argagixisada ka hor tagaan, kuwaas oo xabad la dhacay mustaqbalkii dalka taasina waxay muujinaysaa cadawtinimada ay xukuumadu  u hayso shacabka, waanan canbaaraynaynaa.” Ayuu xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi.