Haweeney looga shakisan yahay in ay dishey todoba caruur ah oo ay dhashey

USA (berberanews) Hooyo da’deeda lagu sheegay 39 jir laguna magacaabo Megan Huntsman ayaa lagu qabtey gobolka Utah ee dalka Maraykanka, waxaa lagu eedeynayaa in ay dil geysatey, kadib markii 7 caruur ah meydkooda laga heley geerash gurigeeda ku dhexyaala.

mugshol

Booliska ayaa aaminsan in ay dhashey caruurtan kadibna ay dishey 10 sano ee la soo dhaafey.

Sida uu qorey Joornaalka Salt Lake Tribune, ninkii ay horey ugu dhaxdey Megan Huntsman ayaa heley meydka caruurta, isaga oo nadiifinaya Geerashkeeda, magaalo yar uu Koonfurta kaga beegan Salt Lake.

Deriska haweeneyda laga shakinsan yahay in caruurtan ay dishey markii ay dhashey kadib ayaa sheegaya in ay imika leedahay saddex gabdhood oo midda ugu weyn qiyaastii ay tahay 18-20 jir.

Booliska ayaa sheegay in meydadka caruurta saqiirnimada lagu diley ay ku jireen kartoon. Ninkii hore ee haweeneydan ayaa aaminsan in caruurta isagu dhalay. Waxaa hadda socda baadhitaankii meydadka caruurtan iyada oo Boolisku isticmaalayo DNA.

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland