Ciidammada Qaranka Somaliland oo la wareegay Gacan ku haynta Magaalada Taleex

Taleex(Berberanews):- Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Taleex ee xarunta Degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland, halkaas oo ay hore ugu dagaallameen Puntland iyo Malleeshiyada kooxda la baxday Khaatumo State, sida loo xaqiijiyey Aftahannews.

Wararka aanu ka helayno magaalada Taleex, ayaa sheegaya in Ciidanka Millateriga Somaliland, saaka qabsadeen Taleex, ka dib markii sida la sheegay ay ku awood roonaadeen dagaal dhex-maray Malleeshiyada Maamulka la baxay Khaatumo oo halkaas hore ugu sugnaa.

Ciidammada qaranka

Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka Millateriga Somaliland kula wareeegay gacan ku haynta Taleex, hase-yeeshee, waxay wararku tibaaxayaan in is-abaabul dagaal ka socdo deegaannada Taleex iyo nawaaxigeeda, kaasoo la sheegay inay ku jiraan Malleeshiyada Khaatumo iyo Ciidanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Magaalada Taleex ayaa lo qorshaynayay in lagu qabto Shirka Khaatumo 3, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Maamulkaas oo toddobaadkii hore soo gaadhay magaalada Buuhoodle, ka dib markii ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaasoo ay diyaarad ka soo raaceen Hoggaamiyaha Malleeshiyada Khaatumo Indho-sheel iyo Wefti ka socda dawladda Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo Masuuliyiin kale oo dawladdaas xilal ka haya.