“Hargeysa cidii 20kii February ogayd waa hubaal in aanay ubaxcad-keena u quudheen in rasaas ”Cali Guray

Hargaysa(Berberanews)Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa qoraal uu ku baahiyay Boggisa Facbook kaga hadlay xadhiga ardayda jaamacadda Hargeysa eek a dhashay cabashada ay ka qabeen lacagta Fiiga oo lagu kordhiyay.

“Hadii uu jiro cashar keliya oo xiligii Siyaad Barre aynu ka baranay waxay ahayd inu noqdo in xadhig iyo xabadi aanay marna xal u noqon karin dhibaatooyin qaran. Hadii aynu nahay Somaliland waxaynu moodaynay in casharkaasi uu ahaa mid inagu qaali ahaa oo qiimo aad u sareeya inagu joogay. Sidaa daraadeed wax aynu filaynay may ahayn in mar kale indhaheenu ay arkaan xukuumad hab dhaqankii taliskii Siyaad Barre leh oo la wadaagta dulmigii iyo cadaalad daradii, musuq maasuqii, qabyaaladii iyo eexdii iyo qaraabo kiilkii. Qoys korintii iyo xigto miiskii iyo,waxba yaynaan ku daalineh,xumaantiisii oo dhan.

Xukuumaddan Axmed Siilanyo waxa kale oo xukuumadii Siyaad Barre ay la wadaagta xalka XADHIGA IYO XABADDA oo hortii jire ba meel ku gaadhi waayay. Markaa ma odhan karnaa kuwa maanta talada Somaliland ay u gacan gashay waa ardaydii saaqiday ee ilaa hadda aan casharkaa fahmin een qaadan.

Hargeysa cidii 20kii February ogayd waa hubaal in aanay ubaxcad-keena u quudheen in rasaas nool ku furaan iyaga oo ay ku filayd in cabshadooda uun wixii looga qaban karayo, waa looga qaban karayay eh, looga qabto. Inaga oo og maalka tiro beelay oo maalin walba jeebabka gaarka ah ku xeroota in hadana caruurta dan yarta iyo saboolka lagu kordhiyo fiiga ay wax ku bartaan. Iska daa laakiin diir iyo ayax ooman ayaan wax ay ka dhergayaan jirin kabtoodu waa lix ilaa laba iyo taban, hal dollar iyo malyan dollar iyagaa u baahan oo wax ay is dhaafin karaan ba jirin.

Dhagax Tuurkii ardayda ee 82kii wuxu noqday furihii Halgankii Dibu Xoraynta Somaliland sida uu ka marag kacay gabyaagii caanka ahaa ee AHN eh Qasin oo yidhi:
DA’DII NAGA YARAYDEEY WAXA FASHEEN WAAN KU DIIRSADAYE
DALUUNTII AYAA NAGA QODEEN NAGU DABOOLAYDE
DAYMOONAY BAALAHA SIDII DUUL BARAARUGAYE

Maanta halganku(XUMAAN DIID) kii hore oo kale maaha. Sanduuq iyo warqad buu joogaa looma baahna inu dhiig ku daato. Halista jirtaa waa hadii doorashada uu diido inay dhacdo 26June 2015ka. Dhalinyaradu maalintaa codkooda inay ku ciil baxaan oo ku aargoostaan ayaa fursad u ah. NO SAGAASHAN JIR DAMBE. Waxaan leeyahay waa la gaadhay markii aad talada dalka hogaamin lahaydeen, waana wakhtigiinii idinku cid kale ha iska siinina. Waa iga talo, inta ogol inay wadada idiin xaadhaan oo qodaxda idiinka sii gurto na kow baan ka ahay. Markaa isu diyaariya in dalka idinku hogaamisaan. Garabkiina na ilaahay ha galo.Guul iyo gobanimo, wa bilaahi tawfiiq.”