Maxaa kala qabsaday Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Shaqaalaha Radio Hargeysa?

Hargeysa(Berberanews):- Kulan Gar-naqsi ah oo aan inta badan doodihii, su’aalihii iyo jawaabihii la is-dhaafsaday la baahin, ayaa shalay dhex-maray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Shaqaalaha ka hawlgala Idaacadda Radio Hargeysa oo labaatan ka tirsani maalin ka hor Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas kaga cawdeen caddaalad-darro iyo sinnaan la’aan. Haddaba, qayb ka mid ah weedhihii ay labada dhinac is-waydaarsadeen ka daawo halkan hoose. Garnaqsi