Cabsi iyo wel wel baaxad weyn oo soo wajahay Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka + Video

Minneaplis(berberanews)Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegayaa inay soo wajahday cabsi iyo wel wel baaxad weyn ka dib markii dhawaantan kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen wiil iyo gabar Soomaaliyeed iyada oo Soomaalida ka tirsan ciidanka booliiska ee gobolkaas ay bilaabeen roondo joogto ah ay ku soo jiidanayaan islamarkaana ay uga saarayaan cabsida iyo shakiga Soomaalida ku nool gobolkaas Minnesota

Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel fara badan oo ku saabsan noloshooda ka dib markii ay soo bateen falalka dilalka ah ee loo geysnaanyo dadka Soomaaliyeed iyadoona dhawaantaan lagu dilay magaalada Minneapolis wiil iyo gabadh Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabi jirey Dahir Axmed Cabdiraxmaan oo 29 jir ahaa iyo Tahany Cabdi Cumar Erbob oo 24 jir ahayd, jaaliyada Soomaalida ee gobolkaas ay codsadeen in wax laga qabto dilalakaas xad dhaafka ah ee loo geysanaayo dadka Soomaaliyeed, Soomaalida ka tirsan ciidanka booliiska magaalada Minneapolis ayaa waxay ayagu ay si joogto ah ay sameyaan roondo si ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaa ay uga saaraan shakiga iyo cabsida ay qabaan arintaan noqotey mid soo jiidatey qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas Minnesota.

Ugu dambeyntiina Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalkas Mareykanka ay noqotey wax iska caadi ah dilalka loo geysanaayo dadka Soomaaliyeed ayaa waxay wararku sheegayaan inay dilalalkaas intooda badan ay yihiin kuwo ka yimid kooxo budhcad ah oo Soomaaliyeed  uu ka dhexeeyo dagaal islamarkaana dhexdoodu ay is ugaarsanayaan, Saraakiishan Soomaaliyeed ee ka tirsan ciidanka Booliiska ee magaalada Minneapolis ayaa waxaa ay ayaguna ay roondo ku taagan goobaha ay ku kulmaan dadka Soomaaliyeed iyaga oo ka dhegeysta Soomaalidaas waxyaabaha ay tabanayaan iyo sida ay u arkaan xalka waxa uu yahay arrintaas oo wax weyn ka tari karta wax ka qabashada fal dambiyeeyada ka dhaca xaafadaha ay dadka Soomaaliyeed ka degan yihiin gobolka Minnesota ee dalkaa Mareykanka.

                         Halkan Ka Daawo

 

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland