Dad gaadhaya ilaa 9-ruux oo lagu dilay gudaha dalka Itoobiya

Ethiopia (berberanews) Xadka u dhaxeeya Ethiopia iyo sudan ayaa lagu soo waramayaa Illaa 9 ruux dadgaadhay ay  ku naf waayay 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaadhi nooca rakaabka qaada ah oo marayay magaalo la yidhaahdo Assosa, oo ku taala xadka ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Sudan.

 OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Warbaahinta dawlada Ethiopia ayaa ku waramaya in koox hubaysan ay gaadhi noociisu bas yahay rasaas la dhaceen rakaabkii saarnaa gaadhiga taasoo keentay in 9 ruux ay geedhiyoodaan 6 kalena ay dhaawacmaan.

Tv,ga dawlada Ethiopia ayaa war kooban oo laga baahiyay waxaa lagu sheegay in in khasaaruhu inta la hubo ka badan yahay oo ay jiraan dad badan oo ayagoo dhaawacyo qaba baxsaday.

Inkastoo aaney jirin cid si cad u sheegatay mas’uuliyadda werarkaa hase ahaatee wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa xubno aan magacyadooda la shaacin oo dawlada Ethiopia u hadlay ayaa waxay ku eedeeyeen koox hubeysan oo dawlada Ethiopia ku kacsan loona malaynayo inay gacan saar la leeyihiin Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka

Dhawr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale weeraro uga dhaceen gobolada ku yaala xadka Ethiopia iyo Sudan u dhaxeeya.

Gudaha Ethiopia waxaa ka jira ururo hubeysan oo dawlada ku kacsan kuwaasoo mararka qaar weeraro ka geysta magaalooyin dhawr ah oo dalkaasi ku yaala

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland