Markab dad badan siday oo ku degay Kuuriya Koonfureed

South Korea (Berbernews)Markab nooca rakaabka qaada ah oo siday in ka badan 470 qof ayaa ku degay koonfurta wadankaasi Kuuriyada Koonfureed.

South Korea Ship Sinking

Shilkan ayaa dhacay arooryadii hore ee saaka (Arbaca) illaa iyo hadana lama yaqaan waxa keenay in markabkaasi uu dego. Markabkan ayaa ah kan gaadiidka iyo shacabka u kala daabula Wadanka Kuuriya Koonfureed iyo jasiirada Jeju.

Dowlada ayaa sheegtay in la xaqiijiyey dhimashada labo qof, waxaana weli la la’a yahay dad gaaraya 164 qof. halka la badbaadiyey dad ku dhaw 300 qof. Dadka saaran markabka ayaa u badnaa ardey, dalxiis ugu socdey jasiirada Jeju, waqtiga shilku dhacaayey ayaa la sheegayaa in ay ahayd xili ay hurdeen oo qoloku u xirnaayeen.

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland