Dawladda Kenya Oo Maanta Qeybtii Labaad Ee Somalida Sharcidaradda ku Joogtay Dalkeeda Keentay Muqdisho

Muqdisho (berbernews) Dawladda Kenya Oo baryahan weday in ay raafto somalidda dalkeed ayaa manta Qaybtii labaad ee Soomaali sharci daro ku joogay Kenya oo Muqdisho la keenay Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo dagay diyaarad siday in ka badan 90-qof oo ah Soomaali laga soo tarxiilay dalka Kenya.

tarxiil

Dadkan oo isugu jira dumar, carruur iyo dad waaweyn ayaa ka mid ah dad fara badan oo lagu soo qabqabtay howgal ciidanka Kenya ay ka sameeyeen labadii toddobaad ee la soo dhaafay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadka laga soo tarxiilay Kenya ayaa ku sugnaa garoonka oo soo dhaweeyay dadka.

Waa qaybtii labaad Soomaali sharci daro ku joogay Kenya oo dib loogu soo celiyo Soomaaliya, tan iyo markii uu billowday howgalka xaafadda Islii ee Nairobia

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland