Maxkamada Gobolka Hargeisa Oo Shirkadaha Isgaadhsiinta Ku Amartay In Ay Wepsitka Haatuf Ka Jaraan Khadka Internetka

Hargeisa(berberanews)Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo gacanta ku haysa Dacwada ka dhanka ah wargeyska Haatuf ayaa la sheegay in ay shalay u qaybisay shirkaddaha Isgaadhsiinta Qoraal ay ku amrayso in ay ka jaraan website-ka Haatuf Internetka.

saxaaffadda

Talaabadan ayaa haddii ay shirkadduhu fuliyaan suurtagal ka dhigaysa in aan la akhrisan Karin wararka iyo Macluumaadka Mareegta Haatuf, waxaanay hore sidan oo kale Maxkamaddu Madbacadaha Dalka u amartay in aanay daabicin Wargeyska. Talaabadan ayaa Guud ahaan saamayn taban ku yeelan doonta Mareegaha Somaliland, isla markaana dhiirigalinaysa in Mareeg kasta oo loo baahdo la xidhi karo, iyadoo loo marayo Shirkaddaha Isgaadhsiinta. Qaraarka Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo aanaan wali helin Nuqul ka mid ah ayaa waxa warkan noo xaqiijiyey Mulkiilaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe. Waa markii koowaad ee ay Xukuumadda Somaliland talaabo noocan oo kale ah qaado, haddii ay fushana waxay noqonaysaa in ay si sahal ah u xidho Mareeg kasta oo ku talaabsata warar aan loo baahnayn. Si kasta oo ay tahay ilaa iyo haatan waxa shaqaynaya mareegta uu wargaysku kulahaa barta internetka

 

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland