Shirk Ka Dhacaya Switzland Oo Ay Maanta Dawladdo Uu Horkacayo Mareykanka Si Ruushka Looga Wada Hadlo In Uu Faraha Kala Baxo Ukraine

Geneva (berberanews) Magaalada Geneva ee dalkaasi Switzerland ayey maanta kusoo qul qulayaan wafuud ka socota wadamada reer Galbeedka, wadanka Ukraine iyo Dawlada Ruushka.

wadahadalkaGeneva1

Kulankan oo ah kii ugu balaarnaa oo ay dhinacyadan ka yeelanayaan xiisada ka taagan dalka Ukraine ayaan la saadaalin Karin waxa kasoo bixi kara, iyadoo dhinacyada iska soo horjeeda ay shuruudo ku xireen kulankaasi Geneva.

Dawlada Ukraine ayaa sheegtay inay ka dooneyso dowlada Ruushka inay dib usoo celiso Jasiirada Crimea isla markaana joojiso taageerada ay u heyso kooxaha gooni goosadka doonaya ee Bariga wadankaasi Ukraine. Xukuumada Kiev ayaa sidoo kale codsaneysa in Ruushka uu ciidankiisa ka qaado xaduuda bari ee wadanka Ukraine.

Dowlada Ruushka ayaan iyadu u muuqan mid wax wadahadal ah ka geli doonta Jasiirada Crimea, waxayna xukuumada Ruushka sidoo kale aysan ka hadal ciidamadeeda ay soo dhoobtay xaduuda ay la wadaagto dalkaasi Ukraine. Hase yeeshee Ruushka ayaa ugu baaqay xukuumada Ukraine inay wadahadal iyo waan waan la gasho shacabka kasoo horjeeda.

Kulankan ayaa mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee ka qeyb galaya uu horkacayaan Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka John Kerry. Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in hadii Ruushka uusan dhinaciisa xakameyn xiisada ay ku fureen wadanka Ukraine, in cunaqabateyn horleh lagu soo rogi doono xukuumada Moscow.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland

C/qaadir Askar