Wasiirka A/Gudaha Warancade Oo La Ilmeeyay Kulan Garnaqsiya Oo Ay Yeesheen Ardayda Jamacadda iyo Wasiirka Waxbarashadda Soona Bandhigay ….

Hargeysa (berbernews) Kulan Xasaasi Ah Oo dhex maray Ardayda Sanadka Labaad Ee jaamacada Hargeisa , Wasiira Arimaha Gudaha Cali maxamed Warancade , Maamulka Jamacada Iyo Waalidiinta Ardayda Sanadka Labaad Ayaa waxa ay ardaydu ku soo bandhigeen Waxyaabo Uu Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland ku Tilmaamay Masiibo.
jamacadda warancade
Kulanka Ayaa markiba Buuq Ka bilowday Kadib markii Wasiirada waxbarashada ay ay sheegtay in aan Hablo ku jirin Ardaydii Laxidhxihday Ee Mudaharadka salmiga ah dhigayay , Kadibana waxa kacay waalidiiintii ay habluhu ka xidhnaayeen iyaga oo u sheegay wasiirada in ay hablahoodii xidhanyihiin.
Wasiirada oo madaxa hoos u foorarinaysa ayaa Jananka ciidanka Booliska Somaliland Abdilahi Fadal Iiman Waydiisay inuu inuu u sheegay in aan hablo ku jirin ardaydii xabsiga lagu guray , Waxaana uu Jananka ciidanku ku Jawaabay in Aanu ku odhanin arinkaa.
 
Markale ayaa waxay Wasiiradu Sheegtay inay Arday Badan Siiyaan Deeqwaxbarasho oo bilaasha (Scholor ship) Balse waxa arinkaa ka dhiidhiyay Mid kamid ah ardayda Oo Isagoo Qiiro ka muuqato Ku Jawaabay
“Mudane wasiir waxaan ahaa ardaygii 2 sano ka hor ugu sareeyay imtaxaanaadkii dugsiyada sare gobolka saaxil , waxaanad ii balanqaaday inaad deeq waxbarasho isiinayso ee aan hargeisa imaado waanan imi mudona waad imeermeerinaysay waxaanad markii dambe ii sheegtay inaanad waxba ii helayn .
Imikana waxaan dulsaar ku ahay reer Lacagta jaamacadana waxaan ku so helaa si adag Mana qadi karo in laygu kordhiyo .

Wasiirka Warancade oo Si Dareen le u dhuuxayay hadalkii ardayga ayaa Wasiirada Waxbarashada Waydiiyay in arinkaasi jiro , Waxaanay wasiiradu Sheegtay in uu arinkaasi jiray .
 
Dhinaca Kale ardayda ayaa soo bandhigay Lacago aad u badan oo lagaga dhex qaado jaamacada marka laga yimaado lacagta Feega ah ee jaamacada lagu dhigto, waxaana lacagtaa ay soo bandhigeen kamid ahaa :
1.Lacagta Lagu Arko Gudoomiyaha Jaamacada $ 1
2.Lacagta Ganaaxa Cidii Feega jaamacada ku bixin wayda toban cisho $ 30
3.Lacagta Recourse ka $ 30
4.Lacagta Transferla faculty to faculty $ 30
5. Lacagta Transferka University to University $ 100.
 
Maamulka Hada Haysta jaamacada Hargeisa ayaa waxa uu u badheedhay inay qaadaan Lacag ay culimada oo dhan sheegeen inay tahay lacag ribo ah , taas oo ah lacagta laga qaado ardayda feega jaamacada ku bixin waaya mudo kooban oo looo qabto.
Mid kamid ah ardaydii Mudaharaadka ay kaga soo horjeedaan lacagta lagu kordhiyay dhigayay maalintii Axadii ayaa Maraan wax kawaydiiyay waxa Sida Waxay u Mudaharadayaan ayaa yidhi :
“Jamacada waxa lagaga cadhaysiiyay ALLE Oo lacag ribo ah ayaa lagu qaaday allena wuxuu sheegay in cidii ribo qaadata uu la dagaalamayo Markaa waxan u malaynaya inaanu nahay Ciidan alle u dirtay inuu Kuwa Ribada Qaadanaya kula Dagaalamo”
 
Isku soo wada duuboo ardayda oo ay ka muuqatay Xamaasad ayaa waxay soo bandhigeen Shaqaale Gaadhaya 100 Qof oo Uu Maamulka jaamacadu u qortay Sidii Caaglihii Askarta Oo Kale Kuwaas Oo La sheego inay qabtaan Shaqooyin Aan faiido u lahayn jaamacada Waxaana Shaqalahaas kamid ahaa kuwao lagu sheegay siday sheegeen
1.Lataliyayasha Faculty –yada
2.Horumarayaha Faculty-yada
iyo shaqaale kale oo farabadan oo loo bixiyay magacyo shaqaale oo aan hore uga jiri jirin jaamacada .
 
Ardaydu waxay kale oo soo bandhigeen falal aad u xun xun oo salka ku haya qabyaalad oo ay ku kaceen maamulka jaamacada Hargeisa waxaanu kulanku ku soo gabagaboobay Wasiirka arimaha Gudaha oo ilmo ka socoto indhihiisa isagoo u balan qaaday ardayda inuu kulano kale la qadan doono islamarkaana uu waxii uu awoodo ku qaban doono Dhibaatada ka jirta jaamacada.