Wefti ay ku jiraan Matalayaashii Qosolka Ee Sooraan iyo Jawaan iyo Xildhibaano ka tirsan Glaha Baarlamaanka oo ay Xukuumaddu dirtay Ingiriiska

Hargeysa(berberanews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa u Wefti u dirtay waddanka Ingiriiska, halkaas oo ay Jaaliyadaha Somaliland ee Britain ku dhaqan kagala qaybgeli doonaan dabbaal-degga 23-guurada ka soo wareegtay maalinta gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, Weftigaas oo ay Xubno ka yihiin Jilaayada caanka ah ee Sooraan iyo Jawaan.

 JAWAAN-SOORAAN-AND-XILDHIBAANNO-MAAYER-IYO-XOGHYN-300x224

Weftigaas ayaa maanta Abbaaro 12 duhurnimo ka anbaxabay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, iyadoo Weftigaas soo dhawayntiisa maalmihii u dambeeyey la sheegay laga dareemayey dalka Boqortooyada Britain, waxaana Xubnaha Weftigan ka mid ahaa Xubno ka tirsan Guddiga qaadhaan-ururinta Waddada Ceerigaabo, kuwaasoo isugu jiray Xidhibaanno, Duqa Degmada Ceerigaabo, Masuuliyiin ka Socday Madaxtooyada iyo laba ka mida Golaha Murtida iyo Maddadaalada.

4-300x224

Xubnaha Wefitigan ayaa kala ahaa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Maayerka magaalada Ceerigaabo Ismacill Xaaji Nuur Faarax,, Xoghaya Wasiirka Madaxtooyada, Sharmaake Axmed Muxumed. Sidoo kale, Weftiga waxaa xubno ka ahaa labada Jilaa Sooraan iyo Jawaan oo caan ku ah jilista Madaddaalada Qosolka iyo Majaajillada ah ee aadka loo daawado sannadahan ugu dambeeyey.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada, isla markaana ah Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qaadhaan-ururinta Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa, ayaa intii aanay garoonka diyaaradaha Hargeysa ka dhoofin Warbaahinta la hadlay, isla markaana waxa uu sheegay inay tegayaan Waddanka Ingiriiska oo ay Jaaliyadaha Somaliland ee dalkaas ku dhaqan kagala qayb-qaadanayaan xuska iyo dabbaal-degga maalinta Qarannimada ee 18-ka May.

10271534_848425908506813_2327607347889630504_n-300x176

Waxa uu sheegay in sannadkan si weyn loo muujin doono sida ay Somaliland ugu baahan tahay aqoonsi caalami ah. Waxa uu intaa ku daray inay Qaadhaan-ururinta Waddada Ceerigaabo oo uu xusay in Madaxweynuhu u asteeyey in la weyneeyo 18-ka May uga faa’iidaysan doonaan, isagoo sheegay inay muhiimad ballaadhan dalka iyo dadkaba ay u leedahay waddada Ceerigaabo.

 

Duqa magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna Madaarka ka hadlay, ayaa dadweynaha reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ku dhaqan u soo jeediyey inay si muuqata uga qayb-qaataan dhismaha Waddada Ceerigaabo oo uu sheegay inay muhiimad gaar ah u leedahay isku-xidhka dalka iyo dadka Somaliland.

 

Waxaanu Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida uu Xuska 18-ka May ugu asteeyey sannadkan dhismaha waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha, isagoo xusay inay dalal Yurub ka tirsanna socdaalkooda qaadhaan-ururinta ah ku mari doonaan. Waxaanay sii mari doonaan magaalada Addis Ababa oo ay uga sii gudbi doonaan Ingiriiska.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hore ugu asteeyey 18-ka May ee sannadkan in dhaqaale loogu ururiyo dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa oo la bilaabay bishii hore dhismeheeda, isla markaana la sheegay in lagu qiimeeyey lacagta ku baxaysa ku dhawaad Afartan Malyan oo Doollarka Maraykanka ah oo wax ka mid ah la hayo oo hawsha lagu sii bilaabay.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland