Djibouti oo kor u qaadeysa barnaamijka dalxiiska dabiiciga ah

DJIBOUTI(berberanews) :-Xukuumada Jabuuti ayaa taageero dhaqaale u fidinaysa dadka beec mushtarka abuura oo ah barnaamij cusub oo dayn bixin ah loogu talagalay in uu kordhiyo laamaha dhaqaale ee dalxiiska iyo ka faa’idaysiga qaababka u roon degaanka.

djibouti-sable-blanc-340_227

Barnaamijkan, oo la bilaabay April 2-deedi, ayaa dadka hoteellada leh u suurto galinaya in ay codsadaan lacago dayn ah oo uu bixinayo Sanduukha Horumarinta Dhaqaalaha Jabuuti (FDED) oo ay ku qaadanayaan qiimo jaban si ay u kobciyaan ganacsiyadooda deegaankana ugu roonaadaan, Agaasimaha e Guud ee Xafiiska Dalxiiska Qaranka ee Jabuuti Maxamed Cabdilaahi Wacays siduu u sheegay Sabahi.

Lacagtu waxay diyaar u tahay dadka leh xarumaha ay ka dhisan yihiin aqal dhaqameedyada, kuwaas oo ah inta badan meelaha la dago oo diyaarka u ah dalxiisayaasha, si ay u dhistaan ama dib ugu dhisaan dhismayaashooda oo uga dhigaan muddulada deegaanka u wanaagsan oo isticmaala waxyaabaha dabiiciga ah iyo tamarta qoraxda, ayuu yidhi.

Marka laga tago kuwa hadda ka shaqeeysta, ayuu yidhi, lacagtu waxay sidoo kale u diyaar tahay dhallinyarada dhowaan jaamacadaha ka baxay si ay ugu bilaabaan ganacsiyo la xidhiidha dalxiiska.

Barnaamijku waa hab degdeg ah oo waxtarna u leh kobcinta meelaha la dego ee faa’iidada u leh dalxiiska, ayuu yidhi Wacays.

“Kaliya caasimadda ayaa leh kaabayaasha loo baahanyahay ee lagu dajin karo looguna adeegi karo dalxiisayaasha, laakiin nasiib darro waa gobollada ku yaal gudaha dalka kuwa ay ku yaalaan inta badan meelaha loo dalxiiso,” ayuu yidhi, isaga oo raaciyay in maal-gelintan ay hubinayso in deegaan ku filan oo munaasab ah ay ka helaan dalxiisayaashu dalka oo dhan ayna dalxiiska Jabuuti gaadhsiin doonaan “casri cusub”.

“Mudduladaan waa inay soo jiidasho ku filan leeyihiin marka laga hadlo bilicda iyo nasiinnada iyagoo isla markaana ixtiraamaya qaabka dhismaha maxalliga ah si ay u soo jiitaan dhadhanka dalxiiseyaasha,” ayuu yidhi. “Tani waxay la macne tahay in loo baahan yahay in lagu dhiso khayraadka maxalliga ah ee dabiiciga ah, sida bulukeetiga, dhagaxa ama balka, taas oo ku xidhan gobolka.”

Dalxiisku wuxuu awood wax ku ool ah u noqon karaa yareeynta saboolnimda iyo ilaalinta deegaanka maadaama uu abuuro shaqooyin oo sameeyo dakhli, ayuu yidhi agaasimuh. Sababtab darteed, ayuu yidhi, “dhallinyaradu waa inay iyagu wadaan waana inaan ku dhiirri-galinno inay ganacsiyadooda ka sameeystaan waaxda adeegga dalxiiska”.

“Xittaa xilliyada ugu wanaagsan, dakhliga laga helo shaqooyinka aan rasmiga ahayn sida dalxiiska ee Jabuuti waxay u sahlaan qoysaska inay helaan kaliya baahiyahooda asaasiga ah, siiba cuntada iyo waxbarashada, markaas fursad uma helaan inay wax maal-gashadaan mana helaan fursad ay horumar ku sameeyaan,” ayuu yidhi Maxamed Faarax, oo ah dhaqaale yaqaan ka shaqeeya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Faarax ayaa raaciyay in haddii nidaam fiican loo helo, sida dhisidda muddulada deegaanka u wanaagsan, ay waaxda dalxiiska soo saari karto 30,000 oo shaqo oo toos ah, marka la barbar dhigo kuwa hadda ee ah 4,500, waxayna in ka badan 10% ku kordhinayaan dakhliga guud ee dalka (GDP), marka loo eego inta hadda ee ah 2%.

Hassan Houmed, oo ah 28-jir dhismeyaal muddulo ah ku leh xeebta Sable Blanc ee degmadaTadjourah, ayaa sheegay inuu codsaday amaah uu dib ugu dhiso lix ka mida muddulladiisa oo uu ku baddalo muddulada waxyaabaha deegaanka u roon laga sameeyay uuna ku daro lix aqal oo kale.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland