GEESINIMADA WAA LOO DHASHAA !!

Nin ugaadhsato ah oo raad Libaax guraaya oo  raadinaaya , ayaa waxa uu ku soo baxay Nin Geeljire ah . Waxa uu waydiiyey : bal inuu meelahan ku arkey raad libaax ? Ama uu arkey libaax ? Wuxuu ugu jawaabay Ninkii Geeljiraha ahaa: Haayoo Libaax baan ku soo arkey kobtaa , waanan ku soo tusi karaa haddii aad doonayso .

Ninkii ugaadh satada isku sheegaayey markii uu maqley hadalkaa , intuu NAXAY , oo GARIIREY oo DUBAAXIYEY oo baqdey OO ilkaha isla dhacey , ayuu yidhi : Anigu waxaan debajoogey raadkiisa uun e iyo wadada (meesha ) uu u kacay e , isaga (LIBAAXA) laftiisa maan dooneyn (raadineyn ) .
Sheekadani waxay qaawineysaa in geesinimada loo dhasho , inkastoo iminka dad badan oo fulayaal ahaa ay u hadlaan sida geesiyada , laakiin marka ficil yimaado waa la waayi doonaa . 
Ma garatay , mana fahantay .
BAL ADABA 
 

CALI MAXAMED BIIXI         caliwwelli@hotmail.co.uk