Uhhuru Kenyatta “Soomaalidu waxay Doonayaan dalkeena inay bur buriyaan..”

Kenya (berberanews) Madaxweynaha wadanka Kenya Uhhuru Kenyatta oo ka hadlay xaflad tababar loogu soo xidhay saraakiil boolis ah oo ka dhacday magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool ay doonayaan inay dalkiisa bur buriyaan sida uu yidhi.

images (4)

Madaxweyne Kenyatta waxaa uu Soomaalida ku tilmaamay inay yihiin bulsho aan dooneyn dawladnimada isla markaana ay dalkooda bur buriyeen doonayaana inay Kenya u bur buriyaan sida Soomaaliya oo kale hase ahaatee ay ka hor tagayaan.

“Sida aad ogtihiin Soomaaliya waa dal aan dawlad laheyn muddo dheer marka waxay doonayaan inay dalkeena u bur bur buriyaan marka waan iska celinaynaa” ayuu yidhi Uhhuru Kenyatta oo Madaxweyne ka ah dalka Kenya waxaana uu intaa ku daray in dadka Soomaaliyeed aaney dalkooda dhibaatada la joogin oo ay Kenya la galaan.

“Xaduuda ayay ka soo gudbeen dalkeena ayayna dhibaato ku noqdeen” ayuu sidoo kale yidhi Madaxweynaha wadanka Kenya Uhhuru Kenyatta .

Dawlada Kenya waayadan waxay waday raaf ay ku qab qabaneyso dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool ayada oo booliska Kenya lagu eedeeyay inay si xuquuqda aadananaha ka baxsan ula dhaqmeen Soomaalida ay Nairobi ka qab qabteen.

Berberanews-Desk

Somaliland/hargeysa