Dahabshiil oo heshiis la saxeexatay Baanka Barclays ee waddanka Ingiriiska

London=(Berberanews):-Shirkadda Xawaaladaha Dahabshiil oo ah shirkadda dhinaca Xaawaaladahaha lacag-dirista ugu wayn ama ugu ballaadhan Geeska Afrika iyo Baanka Barclays ee waddanka Ingiriiska, ayaa heshiiyey, ka dib markii uu Baankaasi oggolaaday Xisaabaadka ay ku leedahay shirkadda Dahabshiil.
Madaxa Xawaaladda Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale.

Bangiga laga leeyahay dalka Ingiriiska ee Barclays ayaa heshiis lagalay xawaaladda Dahabshiil, taasoo uu u ogolaaday inay xisaabaadka uga sii furnaadaan illaa ay bangi kale ka heleyso.
Tallaabada ayaa ka hortageyso in la joojiyo lacagaha ay xawaaladaha sii mariyaan bangigan, taasoo dhaawici karto dhaqaalaha Somaliya.
Dahabshiil ayaa sheegtay in dhinacyada ay gaareen heshii la aqbali karo oo wanaagsan.
“Sida qeybta ka ah heshiiska, waxaa jiro xilli ku meel gaar ah oo Dahabshiil ay ku soo afjareyso xiriirka ay la leedahay bangiga Barclays iyo inaan raadino qorshayaal kale,” ayey sheegtay shirkadda Dahabshiil. Waxaynta intyaa raacisay inay isku deyayaan inay ka fogaadaan burburkastaa oo ku imaan karo shaqadooda.
Bangiga Barclays ayaa isku deyay inuu xiro xisaabaadka xawaaladda Dahabshiil iyo xawaalado kale, bishii July ee sanadkii 20133-dii.
Bangiga ayaa arintaasi sabab uga dhigay walaac uu ka qabay in lacagta la diro inay gacanta u gasho dad iyo kooxo halis ah, wuxuuna sheegay inuu arintaasi ka hortagayo.
Balse, dhowr jeer ayaa dib loo dhigay in bangiga uu xiro xisaabaabka xawaaladaha oo illaa iyo hadda furan.
Shirkadaha xawaalada oo dacwad geeyay maxkad ayaa ku guuleystay inaan la xirin xisaabaad kooda.
Dad badan oo Somali ah oo ku nool dalalka dibadda ayaa sanad kastaa Somaliya u diro lacago aad u badan oo ay sii marsiiyaan xawaaladaha.
Lacagtaasi waxaa ku tiirsan malaayiin qof oo oo ku nool gudaha Somaliya iyo dalalka jaarka la ah.
Xigasho BBCSOMALI.COM.