Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii Rays oo Shaaciyey inuu Sharraxan Yahay Hoggaanka Sare ee KULMIYE

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha urur-siyaasadeedkii Rays Mr. Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) oo ka mid ah ururadii ku biiray xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inuu u sharaxan yahay jagada Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE.

Md.Xasan Gafaadhie oo khudbad ka jeediyey xaflada uu murrashaxnimadiisa kaga dhawaaqay oo lagu qabtay huteelka Maansoor maanta, waxa uu sharci darro ku tilmaamay go’aanka hoggaanka xisbiga KULMIYE loogu jideeyey in ay xilka hayaan shanta sanno ee soo socota.

“Marka hore waxaan caddaynayaa inaan ahay oo u taaganahay murrashaxa Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, waxaan raacinayaa markii aannu soo galnay xisbiga oo aanu ka mid ahayn ururradii soo galay sida ururkii Rays iyo Dalsan, waxaannu nimi xilli xisbiga uu fooda ku soo hayo shirweyne, waxaannu ku heshiinay in wixii aannu hugri qabno ku muujino shirweynaha. Sida aad la socotaan shirweynahaasi muddo sannad iyo dheeraad ah ayuu dib u dhacayey oo dib u riixmayey, ilaa maantana waxaynu soo gaadhnay waqti sannad iyo laba bilood laga taagan yahay xilli uu qabsoomo, muddadiina aanay wali caddayn xilliga uu dhacayo, inkastoo aan filayo inay fooda inagu soo hayso… Markaa hoggaanka isbiga KULMIYE waxaan leeyahay meel uun banneeya, haddii wuxu idinku filnaan waayo amma waxba idin dheeraan wayaan, xisbigu wuu gudhayaa,” ayuu yidhi Mr. Xasan Gaafaadhi.gaafaadhi

Md. Gafaadhe waxa uu tilmaamay in aanu go’aan ahayn tallaabada hoggaanka xisbiga KULMIYE loogu meel mariyey in ay xilka hayaan shanta sanno ee soo socota, balse uu yahay soo jeedin, waxaannu ydihi; “Waxay noqotay xisbiga shirweynihii aannu sugaynay inuu ku soo gebageboobo in hoggaanka iyo inta ku dhaw intay meel fadhiisato yidhaahdaan shanta sanno ee soo socotana ha inoo xidhnaado xisbigu, arrinkaasu arrin aanu filaynay, meeshana le’eg, sharci ahaana bannaan maaha, anigu haddii aan Xasan ahay habeenkii go’aankaa la gaadhay subaxnimadeedii waanu is aragnay hoggaanka iyo Guddoomiyaha, waxaanan ku idhi arrinkaasi waa arrin khalad ah, mana qabato meesha, lamana dhacsani, qof ahaana waan ka soo horjeedaa, hankaasna waan leeyahay, kiina waa kaas aan maanta la taaganahay.

Arrinkaas dad baa go’aan u haysta, balse maaha go’aan ee waa hindise ay cidi soo jeedisay, waana la diidi karaa, waana wax la yeeli karaa, laakiin waxa ka xaasil ah sharci uu dhabarka ku hayaa ma jirto.”

Waxa kale oo uu sheegay in haddii tallaabadaasi hoggaanka kootada loogu xidhay tahay go’aan aan loo baahdeenba qabashada shirweynaha iyo in ergooyin kala imanaya guud ahaan dalka oo dhami yimaadaan, balse ujeeddada ay ergooyinku u imanayaan tahay sidii ay wax u dooran lahaayeen.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedkii DALSAN Mr.Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaacil Yare) oo laf ahaantiisu hore ugu biiray xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey murrashaxnimada Xasan Gafaadhi oo uu sheegay in aanay jirin wax u diidayaa.

“Dad baa is leh Ismaaciil-na tollow ma murrashax baa, anigu murrashax ma ahi, horraan u sheegayna, haddii sidaas KULMIYE aanu wax kaga weyno aniga iyo Xasan Gaafaadhi waxaannu samayn doonaa urur la yidhaa DALRAYS, marka waxaannu leenahay codkiina noo ogolaada intii DALRAYS idinku soo bixi lahaa,” ayuu Ismaaciil Yare oo sheegay haddii ay xisbiga KULMIYE wax ka wayaan isaga iyo Gaafaadhi inay urur siyaasadeed is bahaysi ah samayn doonaan.