Firxadkii maxaabiista, Faanka wasiirka, Feejig la’aanta booliska iyo farriidnimadii shacabka

Warbixin

Hargeysa-(Berberanews)-Hal askari ayaa dhintay, ugu yaraan sadex kalena way dhaamacmeen kadib markii maxaabiis ku xidhnaa xabsiga wayn ee  Hargeysa ay isku dayeen inay baxsadaan.

Saacaddu markay ahayd abbaaro abbaaro 2:40 galabnimo ee saacadda Geeska Afrika, ayay maxaabiistu  isku dayeen inay jeelka ka baxsadaan halkaasna oo ay rasaas isku waydaarsadeen ciidankii ilaalinayey, waxaanay toogteen qaar ka mid ah askartii ilaalida waqtigaasi haysay, waxaana u suurtagashay inay albaabka jeelka dibadda uga soo baxaan.

Haseyeeshee, is-rasaasayn culus oo dhexmartay maxaabiistaasi iyo ciidankii ilaalada xabsiga ee dibadda ku sugnaa kadib waxa lagu guulaystay in uu fashilmo qorshahaasi, iyadoo halkaasi lagu qabqabtay kooxdaasi, waxaanna isla markiiba goobta ku geeriyooday mid ka mid ah askartii ay toogteen.

Xabsiga-Hargeysa

Dad shacab ah oo ayaa ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan kooxdan maxaabiista ah oo isugu jirtay budhcad-badeed iyo argagixiso, waxaana lagu qabtay Iskuulka Sheekh Bashiir iyo Hudheelka Ubax oo wax ka yar Kiiloomitir u jira Jeelka ay ka baxsadeen, ka dib markii ay ka kabatay (dhici weyday) bastooladii ay siteen.

 Goobjooge

Goobjooge ku sugnaa ka soo horjeedka Jeelka weyn ee Hargeysa, oo magaciisa ku soo koobay Siciid, ayaa shebekadda Berberanews uga waramaty qaabkii dhacdadan iyo waxyaabihii uu goobjooga ka ahaa, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi,  “Maanta saacaddu markay ahayd abaaro 2:40 daqiiqo ayay rasaas ka dhacday Jeelka gudihiisa, aniguna waktigaa waxaan taagnaa meheradaha ka soo horjeeda, dabadeedna waxaa albaabka weyn ee Jeelka debedda uga soo baxay affar nin oo maxaabiis ah oo yaacaya, afartii maxbuus ayaa mid ka mid ahi isku difaacay baastoolad uu sitay.

Markaa dadkii shicibka ahaa ee joogay Jeelka agtiisa ayaa daba yaacay iyo ciidankii booliska, sadex nin bay soo qabteen, mid ka mid ahna waa la waayay, dee shacabkuna iyagaa dalkooda iyo dadkooda ilaashanaya, kaa baxsadaynawaxaan rajaynayaa in la soo qaban doono, oo inaga shacabkeena boolisah, oo asluuba ah, oo milateri ah, dalkoodana ilaashanaya.”

Faanka Wasiirka

Wasiirka Cadaalada Somaliland  Xusseen Axmed Caydiid oo si kooban uga hadlay dhacdadan, ayaa sheegay in hal Askari  ku dhintay, mid kalena ku dhaawacmay dagaal dhexmaray Ciidamada Ilaalada xabsiga iyo Kooxaha Argagixisada iyo Budhcad badeeda  ee ku xidhan Jeelka Weyn ee Hargeysa.


Wasiirka oo la hadlayey Idaacada BBC ayaa sheegay in ciidanka Ilaalada Xabsiga ee Asluubta Somaliland ay ku guuleysteen in ay xaalada xabsiga dejiyaan oo ay gacanta ku dhigaan Dhammaan Maxaabiistii Argagixisada iyo Budhcadbadeeda ee doonaysey  in ay baxsadaan.

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hawlwadeennada Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, oo aanu la xidhiidhnay, ayaa caddeeyay inay dawaynayaan dhaawacyada sadex askari oo mid ka mid ah dhaawaciisu culusyahay, kaasoo qalliin lagu sammaynayo, iyo hal askari oo maydkiisa la dhigay.

Waxaanay hawlwadeennada caafimadku intaa raaciyeen in laba askari oo dhaawacyo fududi soo gaadheen markiiba ay ka baxeen Cusbitaalka oo la daweeyay.

Feejig la’aanta booliska

Dad badani waxay isweydiinayaan sida fudud ee maxbuus ku xidhan Jeelkii ugu weynaa Somaliland oo dib u dhis iyo qalabayn malaayiin dollar ku baxday ay ku sammaysay qarammada Midoobay, u heli karo hub uu kula dagaalamo askartii ilaalinaysay, taasoo ceeb iyo af kala qaad ku noqonaysay Maamulka Ciidammada Asluubta Somalilad?

Dad badan oo arrintan falanqeeyay ayaa ku macnaynaya inay tahay qorshe abaabulan oo ay ka warqabeen xukuumadda iyo maamulka Xabsiga Hargeysa, oo la doonayay in lagu sii daayo kooxaha budhcad-badeedka iyo argagixisada ugu xidhan Somaliland, oo qaarkood laga soo tahriibiyay waddammo shisheeye iyo kuwo dalka gudihiisa lagu maxkamadeeyay.

Maxamed Xarrago

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com