Madaxweyne Siilaanyo oo bilaabay burburinta Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xubno uu la kulmay

Hargeysa(Berberanews):- Madaxeynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qaabbilay, isla markaana Madaxtooyada kulan kula yeeshay Xubno xilal ka hayn jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ka dib markii ay 17-kii bishan aynu ku jirno ee Abriil ku biireen Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo Xaflad ugu sameeyey Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

silan

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews.com, waxay xubnahani Madaxweynaha uga warrameen waxa ay ku doorteen ku biirista Xisbiga KUKLMIYE iyo taageerada Xukuumadda.

Waxay xubnahani ka mid ahaayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, iyaga oo si ba’an u dhalliili jiray Siyaasadda dibedda iyo gudaha iyo weliba hab-dhaqanka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE. Balse sida War-Saxaafadeedka lagu sheegay waxay aad u ammaaneen Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ee Xisbiga KULMIYE ka soo jeedda. Kuwaasoo kala ahaa Kayse Guray oo ahaa Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID iyo Mingiste oo ahaa Xoghayaha arrimaha gudaha ee UCID oo labadooduba dhawaan sheegay inay iska casileen xilkaas.

READ MORE..