Taageerayaasha Barcelona oo soo Bandhigay Tababaraha ay ugu Jecel Yihiin inuu Kooxdooda Qabsado

Ciyaaro-(Berberanews)-Iyadoo Barcelona guul-darrooyin xannuun badan oo isku dhaw dhaw la kulantay, isla markaana mustaqbalka Martino laga darayrinayo, ayaa xog-ururin la sameeyay lagu ogaaday macallinka taageerayaashu ugu jecel yihiin inuu naadiga qabsado.

Xog-ururinta jamaahiirta Blaugrana lagu sameeyay, ayaa muujiyay in Jürgen Klopp yahay tababaraha taageerayaashu ugu jecel yihiin inuu xilli-ciyaareedka dambe naadiga hoggaamka u qabto.

Waxa uu macallinkan Jarmalka u dhashay helay 31.3% codadka taageerayaasha, halka 21.4% u coddeeyeen in Pep Guardiola la soo celiyo, iyadoo Luis Enrique oo kaalinta saddexaad galay uu helay 16%.

13.5% waxay dalbadeen in Martino waqti la siiyo, halka uu shanaad ka galay Ernesto Valverde (6%), lixaadna Michael Laudrup oo helay (4.5%,),Frank De Boer (3.6%) iyo Roberto Martínez (3.5%).


1397831950_extras_noticia_foton_7_1