“Xasan Gaafaadhi Xaq Buu Uleeyahay In Uu isa Soo Sharaxo Xisbiga KULMIYE Waa Dimuquraati Lamana Odhankaro Isma Soo Sharixi Karo”Gudoomiyaha Guddida Qabanqaabada Abuubakar Xaamud

Hargeysa (berberanews) Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Shirwaynaha Xisbiga KULMIYE,  Abuukar Xaamud Jibrii waxa uu ka hadlay ergooyinkii ka qayb gali lahaa shirka oo aan wali soo wada gadhin magaladda Hargeysa.

images (6)

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay Inuu Qabsoomayo shirwaynaha xisbiga KULMIYE, Toddobaadka soo socda,Waxaana uu intaasi raaciyey inaanu shirwaynaha Xisbiga KULMIYE u baaqan dooni ergooyinkaas aanay qaarkood soo wada xeroon. Waxan hadaladisii kamid aha gudomiyaha gudida qaban qabada,”

Nagama socon waayin anag ee shirkuna waa qabsoomayaa maalintii loogu talo galay mudadii loogu talo galayna maalin ma dhaafi doono,kolay bil aadanka lagama waayo laba qof oo is diida xisbiguna waa xisbi dimuq-raadi ah waxaana loogu talo galay inuu xiligiisa ku qabsoomo” waxa sido kale uu ka hadlay musharaxnimadda Xasan Gafaadhi iyo qaybinta ergoyinka,”

Xisbiga KULMIYE  waa xisbi dimuq-raadi ah Xasan gaafaadhina xaq ayaa uu u leeyaha inuu isku soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga KULMIYE, Aniguna kama hor istagayo,  la’ima odhan karo  Xasan isma soo sharaxi karo maaha taasina aniga hawl ii taala maaha,Hadalka gudomiyaha qaban qaba waxa uu ku sobegmaya xili malintii shalay Xasan gafaadhi shegay in uu u sharaxanyahay gudomiyaha kowaad ee xisbiga KULMIYE,

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland